Sunday, June 13, 2010

Quraanka wuxuu yiri: Qofkii soo muslima waa qof ka awood badan Allah

Quraanka waxaa ka buuxa iskhilaaf badan iyo caqli xumo badan. Inta aan baarayay quraanka, caqli xumo iyo iskhilaaf middaan ka weyn wili maanan ku arag. Quraanka wuxuu nabarayaa in qofkii soo muslima uu ka awood badan yahay Allah. Waxaan u maleynayaa in diinta muslimka ah ay burburi doonto markii la soo hordhigo dooddaan.

1. Marka ugu horeysa waa in aan ka jawaabnaa su'aasha ah, Allah ma hanuuniyaa gaalada? Jawaabtu waa maya waxaana daliil u ah aayada 104 ee suurada 16 oo noo sheegeysa in Allah uusan muslimin gaalada. Ogow "kuwaan rumayn aayaadka Eebe" waxaa laga wadaa gaalada sababtoo ah qofkii aan rumeysneyn aayaadka quraanka waa gaal.

"Kuwaan rumayn Aayaadka Eebe ma hanuuniyo Eebe waxayna mudan cadaab daran" - Waa aayada 104 ee suurada 16 (suurat An-naxl)


2. Marka maadaama uu Allah yiri ma muslimiyo dadka gaalada ah, gaalada xor ma u yihiin in ay ayaga muslimaan? Jawaabta su'aashaas waa maya sababtoo ah aayada 100 ee suurada 10 ayaa waxay leedahay qofna ma muslimi karo idinka Eebe mooye. Taas waxay noo cadeynaysaa in qofka uusan awood u laheyn in uu muslim noqdo asagoo amarka Allah haysan.

"Nafuna ma rumeyso idanka Eebe ka dib mooyee, wuxuuna Eebe yeelaa xumaanta kuwaan wax kasayn korkooda." - Waa aayada 100 ee suurada 10 (suurat Yuunus)

3. Labadaan aayadood oo kor ku qoran waxay noo sheegeen in Allah uusan gaalada muslimin iyo in dadka aysan laheyn awooda ay ku muslimaan ayagoo heysan idinka Allah. Marka su'aashu waxay tahay sidee ayey dadkii gaalada ahaa ku soo muslimeen maadaama uu Allah yiri gaalada ma muslimiyo oo uu yiri dadka ma awoodaan in ay muslimaan ? Taas waxay noo cadeyneysaa in qofkii soo muslima uu ka awood badan yahay Allah . Taas waxay noo cadeyneysaa in uu Allah yahay beenlow ama uu tabar yar yahay sababtoo ah labaan aayadood oo kor ku qoran ayaa beenooba mar walba oo qof soo muslimo.

4. Markuu qof soo muslimo Waxaa beenooba aayada 100 ee ku jirta suurada 10 oo dhaheysa dadka ma awoodaan in ay rumeeyaan Eebe idinkiisa mooyee. waxaa kaloo beenooba aayada 104 ee ku jirta suurada 16 oo dhaheysa "ilaahey ma hanuuniyo kuwaan rumeyn aayadaadkiisa" . Dadkii soo muslimay waxay cadeeyeen in ay awood badan leeyihiin sababtoo ah Allah oo yiri gaalada ma hanuuniyo ayey gaaladii soo hanuuneen oo muslim noqdeen. Taasna waxey Allah ka dhigtay in awoodiisa iyo hadalkiisa labadaba been yihiin. Allah run ma sheegay markuu dhahay dadka awood uma laha in ay hanuunaan idinkeyga kadib mooye iyo uuna dhahay gaalada ma hanuuniyo sababtoo ah Maalin walba waxaan aragnaa dad gaalo ahaan jiray oo soo hanuunay.


1. aayada koowaad waxey tiri allah sooma hanuuniyo gaalada.

2. aayada labaad waxey tiri dadka awood uma laha in ay soo hanuunan idinka allah mooyee.

3. marka maadaama uu allah yiri dadka awood uma laha in ay muslimaan idinkeyga mooye oona uu yiri gaalada ma hanuuniyo, sidee ayey gaalada ku awoodeen in ay muslimaan?


Quraanka waad u jeedaa in uu Maxamad suubiyay sababtoo ah hadii uu quuraanka ilaahey suubiyay khaladkaan muusan lahaan laheyn quraanka. Ilaahey waa ilaah sharaf badan. Quraanka waa hadalka maxamad ee maahan hadalka ilaahey.

26 comments:

  1. walaal aayadu waxay soo gebagabanaysaa hadaladii ay lahaayeen mushrikiintii reer quraysh ee uu kamid ahaa inay yiraahdeen , nebi maxamed waxaa baray quraanka bani'aadam , laakiin Allah yiri kan ay leeyihiin wuu baray (malaku jibril) waaba cajabe (waxay noqonaysaa af walba oo aan carabi ahayn) , laakiin afka nebi maxamed s.c.w waa carabi cad oo saafi ah oo aan madow ku jirin.

    Allah markuu intaa sheegay wuxuu ku xejiyay inaanu Allah soo hadayn kuwa aan aayaadkiisa rumayn ayna leeyihiin cadaab dara.

    haa, waa sax sababtoo ah dadka waxan lahaa waa dadkii mushrikiinta ahaa ee kuba dhintay iyagoo gaalo ah. markaa Allah wuxuu ogaaa inaannay kuwani weligood waan toobayn oonay wax fahmayn naartana ka jecel yihiin jannada iyo dembi dhaafka , sidaas daraadeena Allah yiri ma soo hadeeyo Allah qofka aan rumaysnayn aayaadka Alle waana run..

    tusaale ahaan bal adigu iskuulka markaad dhiganaysay oo lagu dhigayay gravitational forces, iyo formulas-ka ka kale ee ciidaa ka badan sida e= mc2, t= s/d, (p1*v1)/t1= (p2*v2)/t2.
    hadaanad rumaysan in dhulku cufasjiidad lahayn oo marka wax kor loo tuuro aanu soo jiidan oo aad odhan lahayd waa beentiin , dee experiment-ga maad samayseen oo maad tijaabiseen inay taasii dhab tahay. laakiin markii hore waxaa tiri haa wuu soo jiitaa dabadeedna waxaad ku aragtay tijaaabo ahaan..

    tusaale kale waxaa lagu yiri 2+2=4 . marka hore waxaad oran haa oo waad aqbali , dabadeed laba buug laba kale dul saar wada tiri waa afar, markaasaad oran haa waa run.

    markaa Allah rumayntiisuna waa sidaas ,,marka hore rumay oo awoodihiisa u qir, xataa hadaad isleedahay caqliga ma geli karto, hadhaw markaad aayahada u fiirsato oo iimaankaagu kobco ayaad wax walba waadax u arki doontaaye insha Allah. shaydaankuna qalbigaaaga waswaas iyo shaki ayuu soo gelinayaaa laakiin ha ku dhawaaqin waxaa shaydaanku kugu leeyahay illayn waad ku gaaloobiye. hadaanad odhan ood iska aamusan tahay wax dembiya lagu qori maaayo sababtoo ah rasuulku wuxuu yiri s.c.w ummadayda waxaa laga dhaafay waxay si gef ah sameeyaan ,illaawaan , lagu khasbo ama naftoodu ugu sheekanayso ama siduu rasuulku u yidhi s.c.w. shaydaankana markaad u aamustid oo laba maalmood shakigaaa kugu soo celceliyo dan isagaa u tegi waana wax aana arkay weliba markuu waxaas oo kale soo qaadqaado waxaa tiraahdaa "acuudu billahi mina shaydaani rajiim".

    quraanka iyo rumaynta Allahna waa sidaas oo kale. aayaduna waa caam oo waxay sheeegaysaa qofku hadaanu Allah markiisa horeba rumayn oo aaanu u qirin awoodihiisa dee inaanay jirin sabab uu Alle ku soo hanuuniyo illayn sababata bini'aadamka lehe.

    ReplyDelete
  2. aayada labaad ee ah "Nafuna ma rumeyso idanka Eebe ka dib mooyee, wuxuuna Eebe yeelaa xumaanta kuwaan wax kasayn korkooda."

    waa sax oo waa sidaas, qofna wax aanu Alle la doonin inuu sameeyo ma kari karayo. hanuunkuna iyo islaamnimadu waa wax aad u qaaliya oo aan lacag, adduun , xukun ,boqornimo iyo wax kale aan lagu helin

    Allah waxa uu sheegay in gaaladu ay maalinta yawmul qiyaame jeclaanayaan in cadaabka lagaga furto dadkiisa,carruutiisa,xaaskiisa, waalidkiis iyo waxa adduunka kunool oo dhan oo isagun badbaadiyaa.

    qofkan uu Allah hanuunka la doonayo waa qof hanuunka isagu raba oo doondoonaya si walba ha u doon doonee oo hays yiraahdo mar hanuunku wuxuu ku jiraa qoraxda oo la caabudo, ama waxyaabo kale.
    markaa Allah qofkaas wuxuu waafajiyaa jidka toosan maadaama uu isagu ogol yahay adoonimada iyo wax caabudo. ogowna hadaanu qofku Alle caabudin wax kale oo ay naftiisu ku jirto ayuu caabudayaa illayn qalbiga waxaa loo abuuray caabudida Alle s.w.c

    tusaale ahaan waxaad tahay macalim, waxaad wax u dhigtaa laba arday , midi casharka ma soo akhriyo , layliskana kama soo shaqeeyo, waqtigana ma ilaaliyo. kan kalena waa cakiskiis ama lidkiis. markaa waxaad is oran war kani ardayba maahe kan kale ayaaba fiican oo wax baranaya, maraa wax walba waxaad la xiisanaynaa kan kale isagu waxbaranaya.

    bal adigaadii adoonka ahaa baa sidaas u qiimaynayee Allihii adoomihiisa ka warhayey oo candhuuf yar ka abuuray, oo uurka hooyadii ku ilaaliyey, oo aduunka usoo saaray oo soo koriyey, oo caqli iyo indho iyo arag siiyey ka waran, siduu isagu (Allah) wax u qiimanaynaaa..

    wallillahil mathalul acalaaa.

    ReplyDelete
  3. Waxaad u egtahay in aadan fahmin waxa aan meesha ku soo qoray. Hadda fahan bal.

    1. aayada koowaad waxey tiri allah sooma hanuuniyo gaalada.

    2. aayada labaad waxey tiri dadka awood uma laha in ay soo hanuunan idinka allah mooyee.

    3. marka maadaama uu allah yiri dadka awood uma laha in ay muslimaan idinkeyga mooye oona uu yiri gaalada ma hanuuniyo, sidee ayey gaalada ku awoodeen in ay muslimaan?

    Ujeedada qoraalkan waa sidaas ee haddii aad jawaab heyso oo noo sheegi karto meesha ay dadka awoodda ay ku soo muslimaan ka keeneen iyagoo allah u diiday in ay soo muslimaan noo sheeg bal.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Maskaxda Xoree, waxaad u egtahy qof aanan aqoonin quranka ,waxaadan aqoonin inaad ka hadasho waa qalad (jaahilnimo)waxaadan aqoonin lagama hadlo ee waa la waydiiyaa, wixii su aal ah, ula tag dadka aqoonta u leh quraanka,, sidee kula noqota maskaxdaada ha u qaadanin, quraanka wuxuu ka hadlaa cilmiga aduunka oo dhan, dadkii hore iyo kuwa maanta iyo mustaqbalka, mideeda kale hadii nabi maxamad csw quraan uu wax jeebkiisa kala yimid tahay, bal adiga isku day inaa la atimaado hal aayad oo lamid ah aayad quranka kamid ah?

      ama waxaad i sheegtaa bas qof lamid ah nabi maxamd csw ee aduunka qarnigeena noool, waa hadii aad aqoonn u leedahy maxamda csw!

      caqligaada kaasho
      marlabaad waxan ku leeyahay waxaadan aqoon u lehen ha kahadlin

      Delete
    2. naclatulaahi calaykum adigu awooda aad ku soo qortay halkee ayey ka timid noo sheeg markaa waa la garankaraa awooda ay gaaladu ku muslimayaan

      Delete
    3. sida ii muuqata af carabiga iyo fasirka quraanka mid ma taqaanid, mushrik iyo ehlu kitaabna ma kala taqaanid.
      1 aayad markuu quraanku leeyahay maahan aayada quraanka oo kaliya, tan quraanka ka skoow waxaa kaloo aayad la dhahaa wax walba oo qof ku cibra qaato, nolosha, buuraha, badaham cirka, bani aadamkaiwm, aayadahaasna qof walba oo ehlu kitaab ah sida muslinka, yuhuuda, kirishtaanka, iyo diimo kale waa uu rumaysan yahay, waana ogayahay in awood alle lagu uumay kuna taagan yihiin, qofkii intaa ogna waa qof alle rumaysan oo mushrik maahan, muslina waa yahay hadii sidii rabi faray uu ku dhaqo, tusaale haddii uukirishtaan yahay oo uu jidkii iyo wax baridii nabi ciise ama muuse si sax ah u haysto, waa muslin, balse hadii uu rumaysan yahay qofku wax baridii kaniisada oo aagnahay laga bilaabo 1200 sanadku markuu ahaa in wax lagu darayay, sida nabi ciise waa wiil ilaah, waa ilaah, wan oganahay catabii hore waxaa la sawirnaa wan, ka dib ayaa kaniisadu ku badashay nin ay dhaheen waa nabi ciise, nabi ciisihii bible ku shreegay inuu madoobaa waxay ku badaleen sannadkii 1490 nin oo la yiraahdo cesara borgia. waxay bible ka ku dareen in dadka madoow nacalad rabbi ku dhahday oo ilaahay u abuuray inay ninka cad u shaqeeyaan waligood oo hoos joogaan, ayagoo uga dan lahaa in ay mar marsiyo kaga dhigaan adoonsigii ay wadeen, waana sababta nabi ciise ay nin cad uga dhigeen waayo ayagoo dad madoow adoonsanaya ilaahoodu madoow ma ahaan karo, marka mushrik waa adoo kale oo aan diin lahayn ama diin la qalday iyo 3 ilaah rumaysan, ma igaratay walaal, kuwa aatadu ka hadlayso waa kuwaas, waana soo hanuuni karaan waase haddi ay rabaanm balse aayad xilli ku soo dagtay mar walba tusaale ha u soo qaadan

      Delete
  4. marka hore waxaan ku leeyahay salaam.
    intaa ka bacdi , horta waxaad wax ka soo akhridaa waxa weeye kitaabka jeldiga madaw ee soomaaliga ku fasiraya quraanka.

    kitaabku wuxuu fasiraya ereyada carabiga ah oo keliya ee meesha ku qoran , laakiin kuma jiraan wax sheegaya sababtii ay aayadu ama suuradu u soo degtay (سبب النزّول)..

    marka dhamaan aayadahan aad soo daliishatay waxay leeyihiin, sabab, waqti , dad iyo meel ay ku soo degeen..

    ma waxaad moodaa in Allah uu quraanka iska soo dejiyey oo ku yiri addoomihiisa qaata oo aanu sheegin xikmada ka dambaysa quraanka kan..

    marka kitaabka aad wax ka soo qaadatid looma isticmaalo tafsiir ahaan , ee qof tafsiirka soo bartay oo (علوم القران)ka garanaya ayuu aad ugu fiican yahay.

    adiguna ninyahaw xadkii islaamka waad ka baxdee soo noqo..

    ReplyDelete
  5. Marka hore salaan sare walaal Mohamed Ahmed.


    Dood raqiis ah ayaad meesha keentay markaad iskhilaafka quraanka ku dhex jiraad qiil u wayday. Saaxiib runta indhaha lagama daboolan karo.

    Waxaad tiri "kitaabku wuxuu fasiraya ereyada carabiga ah oo keliya ee meesha ku qoran , laakiin kuma jiraan wax sheegaya sababtii ay aayadu ama suuradu u soo degtay, marka dhamaan aayadahan aad soo daliishatay waxay leeyihiin, sabab, waqti , dad iyo meel ay ku soo degeen" Taas waa dood raqiis ah saaxiib sababtoo ah aniga kama aan hadlin sababta, wakhtiga, dadka iyo meesha ay aayada ku soo degtay ee waxaan ka hadlay waxa ay aayada dhaheyso. Uma baahnid in aad ogaatid sababta ay aayada u soo degtay si aad u fahantid waxa ay dhaheyso. Tusaale ahaan aayadaan "Kuwaan rumayn Aayaadka Eebe ma hanuuniyo Eebe waxayna mudan cadaab daran" . Ma waxaad dhaheysaa waa in aan ogaaddaa sababta ay aayadan u soo degtay si aan u fahmo waxa ay leedahay? Saaxiib doodda raqiiska ah ka bax.

    Maxaad aga baahan tahay sababta aayada loo soo dajiyay haddii aad rabtid inaad fahantid waxa ay aayada leedahay? Ma waxaas ayaad haddana dood ka dhigatay markaad wayday wax aad ku qarisid iskhilaafka quraanka ku jira oo hortaada yaalla?

    Tusaale: Qofbaa kugu yiri nin Faarax la dhihi jiray ayaa 100 sano ka hor wuxuu yiri "I sleep at night" oo micnaheedu tahay "waxaan seexdaa habeenkii" , Marka Ma waxaad leedahay "Waxaan seexdaa habeenkii" micnaheeda ma aqaan ilaa aan ogaado meesha uu faarax joogay,wakhtiga uu faarax dhahay, sababta uu faarax u dhahay iyo dadka uu faarax ku dhahay? Haddii aad saas tiraahdo waa caqli xumo sababtoo ah micnaha "waxaan seexdaa habeenkii" waa waxaan seexdaa habeenkii oo micno kale maleh. aayada dhaheysa "Kuwaan rumayn Aayaadka Eebe ma hanuuniyo Eebe waxayna mudan cadaab daran" waxay leedahay ilaahay ma hanuuniyo kuwaan rumayn aayaadkiisa.

    Saaxiib dood raqiis ah ayaad meesha keentay oo caqli xumo ah. iskhilaafka iyo khaladaadka quraanka ku jira wax la qarin karo ama laga doodi karo maahan sababtoo ah waa wax cad oo kitaabka quraanka ku dhex jira. Runta iskama indho tiri karno.

    ReplyDelete
  6. marka hore waxaan ku leeyahay salaam.

    intaa ka bacdi waa khasab in qofka quraanka tafsiirkiisa baranayaa uu barto xilliga, sababta iyo cidda ay ku soo degtay , hadii kale sidaada ayay dadku ku waalanayaan oo ku dhex fidnoobayaan

    quraankana waxaa ku jira aayado loo yaqaan mutashaabihaat oo isu eg eg tafsiirkoodana ALlah keliya yaqaan . ALlah isagoo ka hadlaya wax uu yidhi:

    سورة آل عمران - الآية: 7
    (هو الذي أنزل عليك الكتاب منه آيات محكمات هن أم الكتاب وأخر متشابهات فأما الذين في قلوبهم زيغ فيتبعون ما تشابه منه ابتغاء الفتنة وابتغاء تأويله وما يعلم تأويله إلا الله والراسخون في العلم يقولون آمنا به كل من عند ربنا وما يذكر إلا أولو الألباب "7")
    suuratu al-cimraan aayada 7aad.

    tafsiirka aayadu waxa weeye:
    nebi maxamedow , Allah waa ALlihii kugu soo dejiyay kitaabka quraanka ah. kitaabka quraanka ah waxaa ku jira aayado muxkamaat ah oo sheegaya xukun sida xukunka lagu qaadayo qofka sinaysta, wax xada ama qof kale sabab sharciya la'aanteed ku dila, (fahankooduna dadka kuma adkaadaan). waxaa kale oo quraanka ku jira aayado mutashaabihaat ah oo isu eg eg, kuwa qalbiyadoodu ka leexsan yihiin xaqana waxay raacayaan aayadaha mutashaabihaatka ah iyaga oo doonaya fitno ay dadka ku shaki gelinayaan iyo tafsiirkooda. tafsiirkooodana ALlah maahee cid kale ma garanayso. kuwa iimaanku qalbiyadooda biya dhigayna waxay leeyihiin "waxaanu rumaynay wax walba oo Allah xagiisa ka yimaada, mana waantoobo cid aan ahayn indheer garad ama aqoonyahan.

    aayadaha kale ee mutashaabiha kamida waxay yihiin sida الم ama كفهيعص ama حم oo Allah keliya tafsiirkooda garanayo. Allahna iskama odhan ee xikmad iyo aqoon ayaa ku dhex jirta. nebe maxamedna aayadan gaagaaban ma fasirin.



    marka waxayba ku soo degtay dadka adigoo kale ah ee raacaya inta mutashaabihaatka ah quraanka.

    marka waxaan ku leeyahay: everything in this world has a limit , even your little mind", yuu shaydaan ku waalin oo ku oran maskax baad leedahay like philosophers.

    tusaale ahaan adigu markii Alla ku abuurayay maad oran Allahayow iga dhig nin midabkaa leh, indho iyo af iyo dhego leh , laba waalid oo naacs ah ay iska dhalaan , ee Allah baa kuu dooray inaad qof dhamaystiran noqotid..

    Allah wuxuu awoodi karayey inuu naftaada keliyo dameer ama awr , laakiin xikmadiisu waxay keentay inaad qof bini'aadam ah noqotid si laguu imtixaamo oo la arko inaad ALlah caabudid iyo inaad caasidid.

    ReplyDelete
  7. haddii uu faarax yiri "i sleep at night" marka hore waa hadal bini aadam oo run iyo been noqonkara. marka labaad waa ficil ay dadku sameeyaan, marka sadexaad fahankiisu ma adka oo waa lawada yaqaan hurdo. markaa adigu hay bar bar dhigin hurdo iyo hadalkii Alle..

    adigii baaba is xidhayeee..Allena ha ku soo hanuuniyo. annagu inaanu kuu ducayno maahe dawo kale kuuma hayno haddaad adigu inaad ALlah ka gaalowdid dooratay..

    ReplyDelete
  8. Quraanka waa hadalkii maxamad ee maahan hadalka ilaahey. haddii uu quraanka ahaan lahaa hadalka ilaahey iskhilaaf iyo kala hadal iyo isburin muusan lahaan laheyn quraanka.

    Waxaad tiri "quraankana waxaa ku jira aayado loo yaqaan mutashaabihaat oo isu eg eg, tafsiirkoodana ALlah keliya yaqaan." saaxiib dooddaan aad cuskaneysid waxaan u hayaa mid ka soo horjeedda oo khilaaf ku ah taas oo aan quraanka ka soo xiganayo.

    Marka maadaama uu quraanka ku jiro aayado aan la fahmi karin macnahooda, muxuu hadana quraanka u leeyahay quraanka waxaa loo soo dajiyay in aad fahantaan darteed oo wuxuu ku qoran yahay af carabi cad?

    "Annagaa ka yeelnay quraan carabi ku soo dagay, inaad kastaan darteed." - Waa aayada 3 ee suurada 43 (suurat Az-zukhruf)

    "Annagaana soo dejinay isagoo quraan carabi ah inaad kastaan" - Waa aayada 2 ee suurada 12 (suurat Yuusuf)

    "Af carabi ahoo cad" - waa aayada 195 ee suurada 26 (suurat Ash-shucaraa)

    Saaxiib haddii uu quraanka ilaahey qoray oo uu ilaahey ogyahay in qaar aayadaha quraanka ka mid ah aan bini'aadanka uusan fahmi karin muxuu ilaahey u yiri "quraanka waxaan ku soo dajiyay af carabi inaad kastaan darted" iyo muxuu u yiri "quraanka waa af carabi cad" ? Haddii uu quraanka ilaahey hadalkiisa ahaan lahaa aaway ilaahey ximadiisa markuu sidaas dhahayay? Saaxiib halkaan waxaa noogu cad in quraanka uu iskhilaaf ka buuxo oo quraanka uu yahay hadal bini'aadan. Ilaahey hadalkiisa isma khilaafi laheyn.

    Saaxiib hurdada ka kac oo runta ha iska indha tirin. Quraanka waa hadal bini'aadan, hadal bini'aadana waxaa lagu yaqaan iskhilaaf iyo khaladaad. Quraanka hadii uu ahaan lahaa hadalka ilaahey, iskhilaaf iyo khaladaad kuma jiri laheyn. quraanka waa hadalkii maxamad ee maahan hadalka ilaahey.

    ReplyDelete
  9. salaam maskax.
    intaa ka bacdi , waxaan aad ugu faraxsanahay inaad quraanka baadhi oo si fiican u baadhid taasi waxay ka tarjumaysaa inaad tahay nin firfircoon oo xaq doon ah..

    intaa ka bacdi waa run oo ALlah quraanka waxa uu ku soo dejiyay afcarabi cad oo cid walba fahmi karto , laakiin waxaad ogaataa inuu quraanku yahay mucjiso loo soo dhiibay nebi mohamed. mucjiso loo soo dhiibay nebi mohamed maxaynu ugala jeedna?? ama marka la leeyahay quraanku wuxuu u yahay mucjiso nebi mohamed??

    waxaynu ugala jeednaaa, ALlah markuu nebiyada soo dirayo waxa uu soo raaciyaaa oo ku soo daraa wax caddaynaya oo sheegaya inay nebiyo yihiin oo aanay dadka kale samayn karayn, iyadoo waxaas weliba laga horkeenayo waxa ay dadku xilligaas si fiican u yaqaaniin..

    tusaale ahaan , nebi ciise c.s waxaa mucjiso ahaan loo siiyay inuu daweeyo dadka indhaha, afka, dhegaha iyo baraskaba qaba iyo inuu shimbir intuu dhoobo ka sameeyo uu ruux Allah ku afuufo dabadeedna ay duusho, waxaas oo dhan amarka ALleh ayuu ku samaynayey, nebii suleiman waxaa la siiyey oo loo sakhiray inuu jinku u shaqeeyo iyo inuu xayawaanka la hadli karo. nebi mohamedna c.s.w waxaa mucjiso ahaan loo siiyay quraankan. sababtoo ah xilligii uu nebigu soo baxay c.s.w dadku waxay aad u yaqaaneen balaaghada luqada carabiga oo ay ku gabyi jireen oo ku heesi jireen. markaa ALlah waxa uu soo dejiyay quraanka oo ka yaabiyey gaaladii sida uu isugu xidhan yahay iyo qaafiyada (rythm)uu leeyahay iyo sida uu isugu xig xigo. markii hore waxay yiraahdeen quraanka nebi mohamed c.s.w ayaa samaystay dabadeed waxaa lagu yiri bal quraanka suurad kamid ah keena ama toban aayadood oo sidoosoo kale ah. wayna keeni kari waayeen , qaarbaa sannado guryo ku xidhnaa oo keeni kari waayey.

    Allah waxa uu yiri: { قل لئن اجتمعت الإنس والجن على أن يأتوا بمثل هذا القرآن لا يأتون بمثله ولو كان بعضهم لبعض ظهيرًا } الإسراء/88.

    nebi mohamedow waxaad ku tiraahdaa dadka" hadday jinka iyo insugu is urursadaan oo isu yimaadaan inay keenaan quraankan wax lamida , ma keeni karayaan oo ma karayaan xattaa haddiii uu midba midka kale xoojinayo oo caawinayo.

    markaa iyadoo quraanka afcarabi yahay oo la wada fahmayo ayaa hadana dhulka qaarkood ALlah keliya micnohooda garanayaa, waan dhulka aynu niri waa mutashaabihaat..

    bal adigu doon doono aayahadan suuraduhu ku bilowdan micnohooda soo hel waana afcarabi cad oo micne leh , laakiin micnahaas ALle keliya garanayo:
    الم , كهيعص , طسم , حم , ص , يس

    aayadaas oo dhan suurado ayaa ku bilawda ay ugu horrayso baqarah, maryan,shucara, axqaaf, saad iyo suuratu yaasiin iyo kuwo kale oo kuwan lamid ah..

    markaa dee bal micnohooda kuwan soo hel oo sax ah..

    ReplyDelete
  10. Saaxiib haddana dooddaadii ma waxay iskugu dhuratay in quraanka uu yahay mucjiso sababta oo ah aayadahiisa qaarkood ayaa la fahmi karin. Saaxiib wixii qoraal ah oo aan la fahmi karin waa qoraalada khaladka ah. Quraanka waa gabayo.

    Adiga haddii aan ku iraahdo waa maxay micnaha erayga 'Hooyaale' iyo 'Hoobaale' . Labaddaan eray waa labo eray oo af soomaali ah. Bal micnahooda soo sheeg. Haddii aad mucjiso u maleysid quraanka sababtoo ah aayadahiisa qaarkood ayaa la fahmi karin. Taas waa dood aan caqli ku saleysneyn.

    ka soo qaad quraanka in uu allah ka yimid. Marka allah muxuu u yiri quraanka waxaan u soo dajiyay in ay dadka fahmaan? Allah sidaas markuu dhahayay ma wuxuu ilowsanaa in aayado quraanka ka mid ah aysan dadka fahmi karin mase allah waa ilaah aan xikmad laheyn?

    ReplyDelete
  11. salam.
    intaa ka bacdi ninyahaw waxaad u egtahay nin aayadaha quraanka uun micnohooda kitaab ka soo eega, kitaabkaasoo aan tafsiirkiisu fiicnayn, iminkana ay ugu horrayso baadhida quraanka.

    war quraankakan dad adiga kaa waawayn oo kaa maskax badan oo kaa caansan oo sidaada si ka daran u baadhi jiray ayaa ku guuldarastay.

    markaa bal ninyahaw waxaad barataa
    "culuum al-qur'aan" kutubta ah, internetkana waa laga helaaa..

    qofku waxaanu garanayn waa u cadaw. adigiina wixii ma garanaysid , dee micnihiisuna kuu dhaadhici maayo.

    dadka debedaha maskaxdoodii lagu maydhayna waad ka mid tahay ,ee waxaad ii soo sheegtaaa:
    1. imisa philosopher baad maalintii la kulantaa
    2. qofkii ugu horeeyey ee ku yiri qur'aanka iskhilaaf baa ku jira kee buu ahaaa?
    3. adiga waalidkaa ma muslim baaa??
    4. adigu markii hore xagaad ku noolaan jirtay?
    5. maxaa kugu kalifay inaad gaalowdid?

    ReplyDelete
  12. Saaxiib ma waxaad isku dayeysaa in aad badashid tobika ama mawduuca, maxaad aga soo jawaabi wayday su'aalihii aan ku weydiiyay oo ku saabsanaa khaladka quraanka?

    Saaxiib sheekadii meel kale ayaad la aaday oo waxaad igu tiri kitaabada carabiga ah akhri iyo waxaad i weydiisay su'aalo kale oo aniga shakhsi ahaan igu saabsan. Meeshaan waa meel aan ku soo bandhigo iskhilaafka iyo khaladaadka ku jira quraanka ee meeshaan maahan meel aan aniga arimaha personal-keyga ah aan aga hadlo.

    ReplyDelete
  13. saxiib doodaada waan aqriyay ninkaleh quraanku wuu is qilaafsanyahay waxaa isagaa kaa qasan awooda alle iyo inuu siduurabo yeelo iyo xoriyada doorasho ee ilaah dadka siiyay (inay kaladoortaan rumayn iyo diidmo)
    labada aayadood isma qilafsana ee dhagraarici.

    "Kuwaan rumayn Aayaadka Eebe ma hanuuniyo
    Eebe waxayna mudan cadaab daran " - Waa
    aayada 104 ee suurada 16 ( suurat An - naxl)
    waa adigookale oo aan rumayn aayaadka alle doonaynina inuu rumeeyo oo isuhaysya inuu nabimuxamed csw ka smartsanyahay alle mahanuuniyo cadaabna way mutaysan.
    marka aayadaan waxay ka hadlaysaa kuwa alle aayadahiisa iyagoon rumaynin ku dhintay.

    aayada kale
    "Nafuna ma rumeyso idanka Eebe ka dib
    mooyee , wuxuuna Eebe yeelaa xumaanta
    kuwaan wax kasayn korkooda . " - Waa aayada
    100 ee suurada 10 ( suurat Yuunus)

    macnaheedu waa intayada uu alle idinkiisa noogu sahlay inaan aayaadkiisa rumayno intaynaan dhimanin waa inta idinka eebe kadib iyo naxariistiisa ku rumaysay.
    marka gaalada aan wali gaalnimada kudhimanin sidaadoo kale haduu alle idinkiisa kadib iftiinka kusooduwo macnaheedu waa alle waynaa unaxariistay mooyee maaha ianay alle ka awoodbadiyeen ! marka ama gaalnimaad kudhiman oo waad halaagsami sidii fircoon abuujahl iyo abuulahab ama waad islaami idinka eebe kadib

    labad aayadood is ma khilaafsana ee adigaa ilaah wali kula doonin inuu ku fahamsiiyo hadaad ka soonoqoto alaah ku il adkaantaadan ood towbad keento dee wuu ku hanuuniyay hadaad kudhimatana adoo ilaah iyo nabi muxamad scws sidan u aflagaadaynayana dee kumuu hanuunin siduusan u hanuunin abuujahal iyo abuulahab ragaasaadna wax la qaybsan marka wali intay naftu kugujirto wali jaanis baad leedahay markay kaa godana ama januu kugayn (waa hadii uu kuhanuuniyaye) ama naarbuu kugalin (waa haduusan ku hanuuninin e)

    ReplyDelete
  14. BISMILAH marka hore waan salaamayaa dhmaan dadka muslimiinta ah bacda salaan waxaan idinka codsanayaa in layga jawaabo SU'AAL ah
    AYAA U QOREY QUR'AANKA SIDA UU MAANTA YAHAY ? YAASE KEENEY IN SIDAN LOO QOROOO SURADA IQRA OO QURAANKA UGU SOO HOR DAGTEY AY KU JIRTO JIS AMA FATIXADANA LAGU BILAABO QU'AANKA? wataas sulaasha aan rabo in layga caawyo

    ReplyDelete
  15. wan idin salamay hadan u guda galo su.asha quranka yaa qorey taas walaal su.aal ma ahan quraanka waxaa soo aruuriyay rag asxaabta ka tirsanaay .quranka ma ahan babel oo kale oo hal qof qoray walaal . ilaah u toodad keen su.aalaha faha dan ee maallayac niga ahna waa ku wii lagu halaa dadkii naga horeyey .fadlan hada gal tahay diintaada u ekoow diimaha kale wax haka sheekin aadan aqoonin. lakum diinu kum waliya diini. taas ayaa ku lee yahayb

    ReplyDelete
  16. AXDI CALI Subxaana laah SOOMALI GAAALA LAGA HELI MARNA ISMA ODHAN, QOFKA KA SHAKIYA DIINTA ISLAAMKA WAA GAAL, WAXKASTAN CILMI BAY U BAAHAN YIHIIN, WALAALAYAL WAXAN IDIN LEYAY, HORTA BARTA KITABKA YO SUNAHA NABIGA. NINKA WEBSITE KAN KA MASUULKA AH, YO KAN MR MASKAXDA XORE LA BAXAY. LABADABA LACAG BAA LAGU FAN GAREEEYAA WAANA GAALO. HADABA YAAN LOO JOOJIN, FILINKAN MARAYKAN BAA KA DAMBEEYA AMA YUHUUD,

    ReplyDelete
  17. nabi maxamad csw, wuxuu sheegay akhiro zamaanka in ay soo bixi doonaan dad jaahilin ah oo umada wax u sheegi doona,,,Allow shartooda umada ka qabo

    ReplyDelete
  18. Waxad nagu marti qaadoysaa buuga Dunida ugu halista badan balse adiga shaqsiyadada mwaxan aad qoroyso waa uun buuga sinada ila qaata Buugan aad ubixiseen Adiga iyo sxb.daba Kitaabka Quduska. Ayaa ah mid iska hor iyo daba imanaya Cadeyntedana abiga oo ah sayid cali maxammed ayaa ku haaya waxana jeclan lahaa in cadeynta aad sheeganeyso in aad kensato ..waxana si..toos ah aad igala soo xirirkartaa ciwankan sayidcaliyos@gmail.com si buugadan aadan aqoonta aadan ulaheyn eeQuduska ah aan kaga faaiideeyo midbe ogow qof jeceyl ama qadarin uhaaya nabi.ciise ama masiix.ciise ibnu maryama hadalaas ma qoro mana ahid mid kutaagan jidki masiix.ciiise ibnu maryama caleyhi salaam..waxan aad qoreysane masiix.waa diiday in qof sidan u hadlo fiiriBuug. JOHN 5;30 WAXANA KUGU LEEYAHAY HADAD TAHAY MID wax gudbinaya aan kulano..oo buugan dunida halista kuhaaya eed afsoomaaliga asd uada ka soo dhigteen ..Kalan kaga faa iideeyee

    ReplyDelete
  19. runti wadaadal mudan khasaro ween iyo faham xumo balse way kubanaan tahay towbadu hadaba tahay qof caqli mudan

    mitakale waxbaro lakin allah horta baro qimihisa iyo awoodisa walaal fadlan fikirkaga kunoqo hakuqancin talaadaada un ee isku day inaad lasaxibto culumada tafsirka

    ReplyDelete
  20. Waa yaab walaahi aniga waxaan karhaday kutubaan faraha badan oo ay leeyihion allah aa dhahay oo ku Qoran kutubo dad magacood ku qoran sida Magaca Bukhaari aa waxyi allah ku qoran yahay waa i geliwaysay taas laakiin Quraanka aad baan u aaminsanahay ee si khaldan ayayaa culimada ahl- Sunna iyo shiicada u fasirion sida ay u rabaan oo macne bedeleen Macnaha saxda ah sida Macruuf waxay u bedelen wanaag

    ReplyDelete
  21. Asc asxaabta xuwii muslim ah somali badan ayaa markay qurbaha soogaleen diintii kabaxay Iyo kuwo markiihore aan waxba garanayn diina salkaxda biliaadankuna isku fahan maaha somaliyed diilta kabaxday 2shay weeyaan kow midi Wukuu isleehayahay islaamkii waxba kumahelayside diinahaa kale sheeho sigaladu kuu jeclaato kuwakalana waa dad iska aqliyaraa diintana waxba kagaranayn iskadaaya dadkale oo halaynaya. OK waxaan donayaa inaan waydiiyo dadkaas kow anigaa ladodayee markahore haysheegan ayaga ayaa sameeyay OK laba Iilaahee ayay aaminsan yihiin iilaaha aay aaminsanyihiin muxuu farah inay sameeyan muxuu kamaxarimay halkuu jogaa. Dadku maxay udhintaan ayaa dilay haduuna ilaah jirin aduunkan sameeyay ayaa nafda qaada cadceeda ayaa sameeyay habernkii maxaa madow kadhigay sobob buuraha Iyo dhirta shimbiraha bada waxaas odhan ayaa sameeyay aduunyadu markii uhoraysay xagay katimid intaas kasoo jawaaba marsaasna quraanka ilaahay kashekeeya idinko marka hore fahmin ciida abooda iskaleh ayaad donayaa quraanka aad ledahay wuu iska hoor iimaanayaa ilaahay mince ayuu usoo dajiyay ilaahay markii horeba isagaa kusameeyay inaad galobaysidna Iyo inaad moulin noqonayso isagaa garanayn anuu waligay caafimaad man dhigan lakin quraanka ilaahay Wukuu sheegay ayaan kudhaqmaa hadana dhakhaatirta dhulkaan jogtaa markay hoyada usharaxayaan ilmaha yar siday ukorinayso waxaan usheega inaan garanayo wayo quraanka ayaa caderyay orod soo warayso saynisyahanada soomuslima waxay kasoo muslimeen waxbay radinayern intaas odhan oo intaas odhan ayay jaamacad dhiganayen waxay radinayeen quraanka ayay kahelen matalan iinay samadu tahay 7samood oo isdulyaala waxay kahelen kitaabka haduuna ilaahjirin quraanka sodajiyay ayaa kuqoray nabi Muhammed csw 'asayniskuu dhigtay waxaan idin odhan lahaa qofkii donaya inuu waxfahmo iilaso xidhiidha

    ReplyDelete
  22. Asc asxaabta xuwii muslim ah somali badan ayaa markay qurbaha soogaleen diintii kabaxay Iyo kuwo markiihore aan waxba garanayn diina salkaxda biliaadankuna isku fahan maaha somaliyed diilta kabaxday 2shay weeyaan kow midi Wukuu isleehayahay islaamkii waxba kumahelayside diinahaa kale sheeho sigaladu kuu jeclaato kuwakalana waa dad iska aqliyaraa diintana waxba kagaranayn iskadaaya dadkale oo halaynaya. OK waxaan donayaa inaan waydiiyo dadkaas kow anigaa ladodayee markahore haysheegan ayaga ayaa sameeyay OK laba Iilaahee ayay aaminsan yihiin iilaaha aay aaminsanyihiin muxuu farah inay sameeyan muxuu kamaxarimay halkuu jogaa. Dadku maxay udhintaan ayaa dilay haduuna ilaah jirin aduunkan sameeyay ayaa nafda qaada cadceeda ayaa sameeyay habernkii maxaa madow kadhigay sobob buuraha Iyo dhirta shimbiraha bada waxaas odhan ayaa sameeyay aduunyadu markii uhoraysay xagay katimid intaas kasoo jawaaba marsaasna quraanka ilaahay kashekeeya idinko marka hore fahmin ciida abooda iskaleh ayaad donayaa quraanka aad ledahay wuu iska hoor iimaanayaa ilaahay mince ayuu usoo dajiyay ilaahay markii horeba isagaa kusameeyay inaad galobaysidna Iyo inaad moulin noqonayso isagaa garanayn anuu waligay caafimaad man dhigan lakin quraanka ilaahay Wukuu sheegay ayaan kudhaqmaa hadana dhakhaatirta dhulkaan jogtaa markay hoyada usharaxayaan ilmaha yar siday ukorinayso waxaan usheega inaan garanayo wayo quraanka ayaa caderyay orod soo warayso saynisyahanada soomuslima waxay kasoo muslimeen waxbay radinayern intaas odhan oo intaas odhan ayay jaamacad dhiganayen waxay radinayeen quraanka ayay kahelen matalan iinay samadu tahay 7samood oo isdulyaala waxay kahelen kitaabka haduuna ilaahjirin quraanka sodajiyay ayaa kuqoray nabi Muhammed csw 'asayniskuu dhigtay waxaan idin odhan lahaa qofkii donaya inuu waxfahmo iilaso xidhiidha

    ReplyDelete