Thursday, June 10, 2010

ilaahey ma cafiyaa dambi walba? haa , maya

Quraanka mar wuxuu leeyahay ilaahey dambi walba wuu cafiyaa marna wuxuu leeyahay ilaahey ma cafiyo dambi walba. Quraanka wuu is-khilaafayaa dhexdiisa.

Labadaan aayadood waxey leeyihiin ilaahey ma cafiyo dambi walba oo ma cafiyo qofkii la wadaajiya caabudaada eebe cid kale. ilaahey shirk ma cafiyo ayey leedahay.

"Eebe ma dhaafo in lala wadaajiyo (cidkale cibaadada) wuxuuse ka dhaafa wixii waxaas ka soo haray cidduu doono, ruuxii la wadaajiya Eebe wuxuu dhumay dhumid wayn." - waa aayada 116 ee suraada 4 (suurat An-nisaa)

"Eebe ma dhaafo in lala wadaajiyo wuxuuse ka dhaafaa waxaa wixii ka soo haray cidduu doono, ruuxii la wadaajiyo Eebe wuxuu beenabuurtay dambi weyn." - waa aayada 48 ee suurada 4 (suurat An-nisaa)

Aayadaan hoose waxey leedahay ilaahey dambi walba ayuu cafiyaa.

"Waxaad dhahdaa nabiyow adoomadayda ku xad gubay naftoodow ha ka quusanina naxariista Eebe, Eebaa dhaafa dambiyada dhamaantood, waana dambi dhaafbadane naxiis badane." - Waa aayada 53 ee suurada 39 (suurat Az-zumar)

Quraanka hadii uu ahaan lahaa erayada ilaahey is-khilaafkan kuma jiri laheyn. Quraanka waa hadalka maxamad.

7 comments:

  1. waxaan ka bilaabayaa Allah ma dhaafo in cid lala wadaajiyo wax. haa waa sax, waa shirkiga waxa loo yaqaan weliba ka wayn. shirkul akbarka waxaa ka mid ah inaad caabudid cid aan Alle ahayn, wax u qashid, talasaaratid isaga uun keliya, dhib iyo dheefba aad aamintid in uu isagu kuu hayo.

    qofkii ku dhaca shirkul akbarkana, afkaba haka yiraahdee isagoo ciyaaraya wuu gaaloobayaaa.

    Allah markuu leeyahay Allah wuxuu dhaafaa wixii intaas ka soo hadha , aayadu waxaa ku cad oo ay sheegaysaa haduu qofku isagoo mushrik ahaa dhinto Allah kama cafinayo naartuna ku waarayaaa.
    laakiiin qofka isagoo Allah u aqoonsan cidaa abuurtay isaga iyo koonka, maamusha , nebi maxamedna nebigiisii yahay aanse camal falin naarta wuu gelayaa laakiin kuma waarayo ooo Allah baaa ka cafinaya dembigoodii kale.

    markaa walaal aayadu waxay sheegaysaa qofka isagoo mushrik ah dhinta inaan Allah ka cafinayn dembigiisa oo naarta ku waarayo, kii kalese uu rajo leeyahay inuu naarta ka soo boxo oo Allah s.w.c ka soo saaro. waxaana u daliila axaadiis iyo aayado kale oo badan. oo uu ku jiro xadiiskii nebigu laga soo weriyey eee qaar saxaabada kamid ahi ay ugu tageen isagoo qabriga aabihii ka dul ooyaya, dabadeena la waydiiyey waxa ka oohinaya uuna yiri waxaa lay diiday inanay waalidkay u dembidhaaf dalbo sababatoo ah aabihii nebiga s.c.w wuxuu dhintay isagoo sanam caabud ah. hays oran qabriyada waala tagaa oo lagu ictikaafaayoo layska dul fadhiyaa, laakiin waxaa loo tagaa in loo soo duceeyo waalidka.

    waxaaa kaloo tusaale kale ah ninkii cabdillahi binu saluul ee quraysheed ee mushriknimada kudhintay , wuxuu dhalay wiil aad u fiican oo muslimay oo cabdullahi la oran jiray. markuu dhintay cabdullaahi aabihii (binu saluul) wuxuu inanku u yimidday nebiga isagoo leh aabay u dembidhaaf dalab. dabadeed nebigu s.w.c wuxuu ku tufay candhuuftiisii dahirnayn jidhkiisoo dhan illaa cagaha hoose mooyeee.. laakiin markii dambe waa lagu qabsaday nebiga oo Allah ayaa ku diiday waxaana soo degay aayaha micnohoodu yahay u dembidhaaf dalab ama ha u dembi dhaaf dalbin, Allah uma dembidhaafayo sababtoo ah waxay dhinteen iyagoo gaalo ah

    ReplyDelete
  2. markaa walaal labada aayadoo ee horeba waxay sheegayaan in Allah shirkiga aanu dhaafin haduu qofku dhinto.

    haduu noolyahay oo uu tawbad(ka noqosho) dhamaystiran la yimaado Allah wuu ka cafinayanaa shirkigiii uu sameeyey. tawbada dhamayska tiranan waa:
    1. inuu qofku qirto dembigiisa oo uu dib u islaamo illayn xuduudka waa kabaxayeee, qubaysto oo dib u ashaaato
    2. inuu ka tiiraanyoodo oo ka murugoodo
    3. iyo inuu dembi dhaaf Alla waydiisto oo uu go'aansado inaaanu dib ugu dhicin..

    tusaale fiican waxaa kuugu filan saxaabadii nebiga s.c.w ee cumar, cusmaan,i.w.m ee soo islaamay markuu nebigu yimada s.c.w.

    fadlan walaal isku day inaad qisooyinkooda akhridid intaanay islaamin waxaad arki doontaa nolosha iyo mugdiga ay ku jireen iyo cidhiidhiga iyo markan dambe siday noqdeen

    ReplyDelete
  3. aayada u dambaysa "Waxaad dhahdaa nabiyow adoomadayda ku xad gubay naftoodow ha ka quusanina naxariista Eebe, Eebaa dhaafa dambiyada dhamaantood, waana dambi dhaafbadane naxiis badane." -

    waxay sheegaysaa in Allah oo dembi walba dhaafo kiisa wayn iyo kiisa yar haduu qofku ka tawbad keeno intuu noolyahay oo aanu la dhiman. waxaynu niri qofku haduu shirkiga ku dhinto looma dhaafo cadaabtuuna ku waarayaa sida fircoon n.c.

    aayadu waxay soo degtay xilli ay saxaabada qaarkood shakiyeen oo arkeen dembigooda iyo siduu u waynyahay oo ay u maleeyeen inaanu Allahba ka dhaafayn, laakiin uu ALlah ka dhaafay oo lagu xidhay tawbad keliya.. sababtoo ah maluhu wuxuu ka yimaadaa xaga shaydaanka, rajaduna waa qayb kamid ah cibaadada..

    marka Allah waxuu uu aayadan ku sheegay inuu dhaafo dembi walba xataa shirkiga haduu qofku ka toobad keeno oo aanu la dhiman

    ReplyDelete
  4. @Mohamed Ahmed, saaxiib aayada koowaad waxay leedahay "Eebe ma dhaafo in lala wadaajiyo (cidkale cibaadada) wuxuuse ka dhaafa wixii waxaas ka soo haray cidduu doono.." taas oo noo shegeysa in allah uusan cafin shirkiga ama in lala wadaajiyo ilaah kale. Haddii aad dhahdid allah markuu sidaas dhahayay wuxuu ka wadey qofkii la dhinta dambigaas ee kama uusan wadin qofkii toobad keena, waa adiga oo tiri oo kale ilaah wuu ilowsanaa in uu dhaho kama wadin qofkii toowad keena. Ma waxaad isku dayeysaa in aad badashid hadalka Allah oo saxdid allah?

    Tusaale ahaan aayada dhaheysa gacanta hala jaro qofkii wax wada. Ma waxaad isku dayeysaa in aad toosasid hadalka allah oo dhahdid allah wuxuu ka waday qofkii wax xada oo toobad keena yaan gacanta la jarin?

    Allah ma wuxuu kugu yiri hadalkeyga sida aan ka wado ha la toosiyo oo dadka ha loo sheego? Saaxiib aayada sida ay leedahay ayaan u qaadaneynaa ee iskuma dayeyno in aad sidaan rabno u qaadano.

    Sharafta allah iyo caqliga allah ayaad meel aga dhacday marka aad tiri "allah markuu sidaas dhahayay kama wadin sidaas ee wuxuu ka waday sidaan". Sababtoo ah waxaad ka dhigtay allah in hadalkiisa uu saxid u baahan yahay. Ma waxaad iloowday in allah uusan saxid u baahneyn? Ma waxaad u maleysaa in allah uusan hadalkiisa cadeyn karin?

    Saaxiib meeshaan waan u jeednaa in quraanka uu kala hadlayo oo uu mar leeyay ilaah ma cafiyo dambi walba marna uu leeyahay ilaahey wuu cafiyaa dambi walba.

    Quraankan waa hadalkii maxamad oo maahan hadalka ilaahey sababtoo ah ilaahey hadalkiisa wuu cad yahay oo hadalkiisa isma khilaafo.

    ReplyDelete
  5. marka hore maskaxda waxaan ku leeyahay salaam. intaa ka bacdi, maskaxaw hadalkaga u fiirso. anigu maan oran Allah sidatan buu u jeedayoo sidaas uma jeedin..

    hadii sidaas la yiraahdoba waa lagu gaaloobayaa oo Allah sida bini'aadamka ma aha ooo waxba iskama darsamaaan, nusqaan ,ceeb iyo dhaliilna ma laha.

    Allah magacyadiisa waxaa ku jira "xakiim" oo ah in Allah shay walba iyo hadal walba uu halka ugu haboon dhigo oo aanu la seegin.

    marka anigu maan oran ALlah wuu khaldamay ama sidatanuu u jeeday ee bal hadalykagii u fiirso..

    intaa ka bacdi waxaad tiri , bini'aadamka ayaa ka awood badan Allah. dee adigu bini'aadam baad tahaye orodoo qorraxda galbeedka ka soo saar, ama webiyada bado u bedel ama awoowayashaadii dhintay qabriyada ka soo toosi..

    ReplyDelete
  6. Saaxiib quraanka ayaa oranaya dadka ayaa ka awood badan ilaahey ee aniga ma oran sababtoo ah aayadahaan ayaa noo sheegaya in awooddii ilaahey ay burburtay markey dadka soo muslimeen.

    Quraanka waa hadalkii maxamad ee maahan hadalka ilaahey. Hadii uu quraanka ahaan lahaa hadalka ilaahey iskhilaaf iyo khalad oo dhan kuma jiri lahayn quraanka.

    ReplyDelete
  7. waar waxaad tahay murtad xun oo aan ka edebsanayn ilaahay iyo nabiga toona oo ilaa gaal nimo kumaad dhalane waxaan aad sheegaysona waad og tahay xaqiiqada iyo sida wax yihiin cidna kuma duufsan kartid ee inshaa,laah hadii aanay hadaayadi kuu qorayn mar kale ayaad garan doonaa aan waan khaldamay aanay ku an facaynin

    ReplyDelete