Sunday, June 13, 2010

Quraanka wuxuu yiri: Qofkii soo muslima waa qof ka awood badan Allah

Quraanka waxaa ka buuxa iskhilaaf badan iyo caqli xumo badan. Inta aan baarayay quraanka, caqli xumo iyo iskhilaaf middaan ka weyn wili maanan ku arag. Quraanka wuxuu nabarayaa in qofkii soo muslima uu ka awood badan yahay Allah. Waxaan u maleynayaa in diinta muslimka ah ay burburi doonto markii la soo hordhigo dooddaan.

1. Marka ugu horeysa waa in aan ka jawaabnaa su'aasha ah, Allah ma hanuuniyaa gaalada? Jawaabtu waa maya waxaana daliil u ah aayada 104 ee suurada 16 oo noo sheegeysa in Allah uusan muslimin gaalada. Ogow "kuwaan rumayn aayaadka Eebe" waxaa laga wadaa gaalada sababtoo ah qofkii aan rumeysneyn aayaadka quraanka waa gaal.

"Kuwaan rumayn Aayaadka Eebe ma hanuuniyo Eebe waxayna mudan cadaab daran" - Waa aayada 104 ee suurada 16 (suurat An-naxl)


2. Marka maadaama uu Allah yiri ma muslimiyo dadka gaalada ah, gaalada xor ma u yihiin in ay ayaga muslimaan? Jawaabta su'aashaas waa maya sababtoo ah aayada 100 ee suurada 10 ayaa waxay leedahay qofna ma muslimi karo idinka Eebe mooye. Taas waxay noo cadeynaysaa in qofka uusan awood u laheyn in uu muslim noqdo asagoo amarka Allah haysan.

"Nafuna ma rumeyso idanka Eebe ka dib mooyee, wuxuuna Eebe yeelaa xumaanta kuwaan wax kasayn korkooda." - Waa aayada 100 ee suurada 10 (suurat Yuunus)

3. Labadaan aayadood oo kor ku qoran waxay noo sheegeen in Allah uusan gaalada muslimin iyo in dadka aysan laheyn awooda ay ku muslimaan ayagoo heysan idinka Allah. Marka su'aashu waxay tahay sidee ayey dadkii gaalada ahaa ku soo muslimeen maadaama uu Allah yiri gaalada ma muslimiyo oo uu yiri dadka ma awoodaan in ay muslimaan ? Taas waxay noo cadeyneysaa in qofkii soo muslima uu ka awood badan yahay Allah . Taas waxay noo cadeyneysaa in uu Allah yahay beenlow ama uu tabar yar yahay sababtoo ah labaan aayadood oo kor ku qoran ayaa beenooba mar walba oo qof soo muslimo.

4. Markuu qof soo muslimo Waxaa beenooba aayada 100 ee ku jirta suurada 10 oo dhaheysa dadka ma awoodaan in ay rumeeyaan Eebe idinkiisa mooyee. waxaa kaloo beenooba aayada 104 ee ku jirta suurada 16 oo dhaheysa "ilaahey ma hanuuniyo kuwaan rumeyn aayadaadkiisa" . Dadkii soo muslimay waxay cadeeyeen in ay awood badan leeyihiin sababtoo ah Allah oo yiri gaalada ma hanuuniyo ayey gaaladii soo hanuuneen oo muslim noqdeen. Taasna waxey Allah ka dhigtay in awoodiisa iyo hadalkiisa labadaba been yihiin. Allah run ma sheegay markuu dhahay dadka awood uma laha in ay hanuunaan idinkeyga kadib mooye iyo uuna dhahay gaalada ma hanuuniyo sababtoo ah Maalin walba waxaan aragnaa dad gaalo ahaan jiray oo soo hanuunay.


1. aayada koowaad waxey tiri allah sooma hanuuniyo gaalada.

2. aayada labaad waxey tiri dadka awood uma laha in ay soo hanuunan idinka allah mooyee.

3. marka maadaama uu allah yiri dadka awood uma laha in ay muslimaan idinkeyga mooye oona uu yiri gaalada ma hanuuniyo, sidee ayey gaalada ku awoodeen in ay muslimaan?


Quraanka waad u jeedaa in uu Maxamad suubiyay sababtoo ah hadii uu quuraanka ilaahey suubiyay khaladkaan muusan lahaan laheyn quraanka. Ilaahey waa ilaah sharaf badan. Quraanka waa hadalka maxamad ee maahan hadalka ilaahey.

Thursday, June 10, 2010

ilaahey ma cafiyaa dambi walba? haa , maya

Quraanka mar wuxuu leeyahay ilaahey dambi walba wuu cafiyaa marna wuxuu leeyahay ilaahey ma cafiyo dambi walba. Quraanka wuu is-khilaafayaa dhexdiisa.

Labadaan aayadood waxey leeyihiin ilaahey ma cafiyo dambi walba oo ma cafiyo qofkii la wadaajiya caabudaada eebe cid kale. ilaahey shirk ma cafiyo ayey leedahay.

"Eebe ma dhaafo in lala wadaajiyo (cidkale cibaadada) wuxuuse ka dhaafa wixii waxaas ka soo haray cidduu doono, ruuxii la wadaajiya Eebe wuxuu dhumay dhumid wayn." - waa aayada 116 ee suraada 4 (suurat An-nisaa)

"Eebe ma dhaafo in lala wadaajiyo wuxuuse ka dhaafaa waxaa wixii ka soo haray cidduu doono, ruuxii la wadaajiyo Eebe wuxuu beenabuurtay dambi weyn." - waa aayada 48 ee suurada 4 (suurat An-nisaa)

Aayadaan hoose waxey leedahay ilaahey dambi walba ayuu cafiyaa.

"Waxaad dhahdaa nabiyow adoomadayda ku xad gubay naftoodow ha ka quusanina naxariista Eebe, Eebaa dhaafa dambiyada dhamaantood, waana dambi dhaafbadane naxiis badane." - Waa aayada 53 ee suurada 39 (suurat Az-zumar)

Quraanka hadii uu ahaan lahaa erayada ilaahey is-khilaafkan kuma jiri laheyn. Quraanka waa hadalka maxamad.