Saturday, April 24, 2010

Yaa dadka dhumiya ilaah mise sheydaan? kala hadalkaan u fiirso

Aayadaan hoos ku qoran waxay leedahay sheydaanka ayaa dadka dhumiya.

"dhab ahaan wuxuu udhumiyay (shaydaan) xaggiina dad badan miyaydan wax kasaynin." - Waa aayada 62 ee suurada 36 (Suurat Yaasiin)

Aayadaana hoos ku qoran waxay leedahay Ilaah baa dadka dhumiya.

"Hadduu doono Eebe wuxuu idinka yeeli lahaa umad kaliya wuxuuse dhumiyaa cidduu doono, wuuna hanuuniyaa cidduu doono, waana laydin warsan waxaad camal falayseen." - Waa aayada 93 ee suurada 16 (suurat An-Naxl)


Labadaan aayadood ee kor ku qoran way kala hadlayaan ama is burinayaan, mid waxay leedahay ilaahey ayaa dadka dhumiya, mida kalena waxay leedahay shaydaan ayaa dadka dhumiya. taasna waxay ku tuseysaa in quraanka uu qoray bini aadan ee maxamad ah oo uu san ahayn hadalka ilaahey sababtoo ah quraanka haduu ilaahay hadalkiisa ahaan lahaa kala hadal ama is burin kuma dhex jiri lahayn. ilaahey ma caqli yara sida bini aadanka oo ma dhaho cidaan doono ayaan dhumiyaa kadibna dhaho waa laydin warsan waxaad camal falayseen.



----------------------------------------------------------------------------------------------
Hiiraan, Somalia - nin soomaali ah oo gacan iyo lug laga jarayo

3 comments:

  1. nasir
    haduu doono kkkkkkkkkkkkkk


    waana laydin warsan waxaad camal falayseen)

    sharaxaad kale ma u baahno waa mahad san tahay

    ReplyDelete
  2. Diin dadka bireysa diin maaha. Qof uu maankiisu juus yahay Islaam ma oggolaado. Islaam wax uu qof fiyow ku fal tago maaha hase ahaatee Islaam ceeb uma arko in dad la bireeyo sidii xoolihii cabburin iyo wax kale warkood daa.

    ReplyDelete
  3. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk qur,aan waa jiraa allaha waa jiraa prphet mohmaed a,s w c waa jiraa hee qur,aan hadaad dacaayadeen ku wacidi maalinta aaqiro ayaaan is arkeynaa sxb aniga iyo adiga aduunyo hadal maku dhameyn karno hee waa inoo maalinta aaqiro

    ReplyDelete