Saturday, April 24, 2010

Dadka ma xor bay u yihiin in ay ilaah rumeeyaan mise ilaah baa u doorta?


Aayadaan hoos ku qoran waxay leedahay dadka ma doortaan inay rumeeyaan ilaah ee ilaahey ayaa u doora.

"Nafuna ma rumeyso idanka Eebe ka dib mooyee, wuxuuna Eebe yeelaa xumaanta kuwaan wax kasayn korkooda." - Waa aayadada 100 ee suurada 10 (suurat Yuunus)


Aayadaan kale ee hoos ku qoran waxay leedahay dadka ayagaa doortay in ay ilaah rumeyn ama khasaariyey naftooda.

"Waxaad dhahdaa yaa leh waxa ku sugan samooyinka iyo dhulka, dheh Eebe, wuxuuna isasaaray naxariis, wuxuuna idin kulmin maalinta qiyaame shakina ma leh kuwa khasaariyey naftoodase ma rumaynayaan." - Waa aayada 12 ee suurada 6 (suurat Al-Ancaam)

Bal u fiiro u fiirso kala hadalka labadaan aayadood. Aayada hoose waxay leedahay kuwa khasaariyey naftoodase ma rumaynayaan. Aayada kalenna waxay leedahay
Nafuna ma rumeyso idanka Eebe ka dib mooyee. Marka su'aashu waxay tahay sidee ayuu qofka u khasaariyay naftiisa maadaama uu ilaahay u doortay inuu khasaaro ama uusan rumeyn ilaah? Kala hadalkaan waxay ku tuseysaa in quraanka uu yahay erayada maxamad ee uusan ahayn erayada ilaahey sababtoo ah ilaahey kalama hadlo.

1 comment:

  1. Quraanku waa sheekooyinka dagaalyahannada. Qorsaarkii ka tegey dibedda oo dhawaan magaalada Muqdisho lugu dilay wuxuu u hadlayey sidii qof ku dhex lumay sheekooyin uu akhriyey oo u sheegay in la dilo dadka asaguna dilka ku tegeyo meel uu haween gaaraya 72 oo bikro ah uu ka heliyo.

    ReplyDelete