Saturday, April 24, 2010

ilaahey wax ma dulmiyaa mase waa mid aanan wax dulmin?

Aayadaan hoos ku qoran waxay leedahay ilaahey ayaa cidduu doono yuu dulmiyaa, ruuxuu doono wuu hanuuniyaa.

"Ruuxe loo qurxiyay camalkiisa xun oo u arkay inuu fiicanyahay (ma lamid baa kaan saas falin), Eebe cidduu doono yuu dhumiyaa ruuxuu doonana wuu hanuuniyaa ee yeyna naftaadu ku tagin walbahaarkooda, Eebe waa ogyahay waxay samayne." - Waa aayada 8 ee suurada 35 (suurat Faadhir)

Aayadaan kale ee hoos ku qoran waxay leedahay dadka ilaahey ma dulmiyo ee ayagaa naftooda dulmiyay.

"Miyeyna ku soconin dhulka oy eegan siday ahaatay cidhibtii kuwii ka horeeyay (gaaladii Makaad) waxay ahaayeen kuwo ka daran iyaga kana xoog badan, dhulkana waybeerteen wayna dhiseen dhulka intay dhiseen wax ka badan. waxayna ula timid rasuuladoodii xujooyin, Eebana ma aha mid wax dulmiya, laakiin iyagaa naftooda dulmiyay. - Waa aayada 9 ee suurada 30 (suurat Ar-Ruum)


"Ruuxii camalfiican fala wuxuu u falay naftiisa, Ruuxii xumaan fala wuxuu dhibay naftiisa, Eebaheenna ma aha dulmiyaha Addoomada." - Waa aayada 46 ee suurada 41 (suurat Fussilat)

Bal u fiirso iska soo horjeedka ku dhex jira aayadahaan. Mid waxay leedahay ilaahey cidduu doono ayuu dhulmiyaa, mida kalena waxay leedahay ilaahey maaha mid wax dulmiya. Halkaan waxaa ku cad in uu quraanka uusan ahayn erayada ilaahey ee uu yahay hadalka maxamad. Haduu quraanka ahaan lahaa hadalka ilaahay, kala hadalk kuma jiri lahayn quraanka.

Qofkii caqli leh wuu garan karaa in caruurta ayan xataa sidaa u hadlin. Tusaale ahaan waa aniga oo dhahay "hoodahay waxay dulmisaa cidii ay doonto" cabaar kadibna dhahay "hooyadeey maaha mid wax dulmisa" kala hadalka noocaas ah wuxuu tusayaa qof walba oo caqli leh in quraanka uu yahay erayada maxamad ee uusan ahayn erayada ilaahay.

7 comments:

  1. "Mid waxay leedahay ilaahey cidduu doono ayuu dhumiyaa, mida kalena waxay leedahay ilaahey maaha mid wax dulmiya." - *Alle ima laha ee run baan qortay walaal.

    Alle ima laha ee gool baad dhalisay annana waannu kaaga mahadnaqaynaa hawsha qaaliga ah.


    *Alle ima laha waxay jawaab celin u tahay "Allay lehe" amaba "Allaa i leh."

    ReplyDelete
  2. waxaan oo kale inay somali sheegtaan aad ayaan uga xumahay
    LAkin wixii dhalashada somalida idiin siiyay ayaa insha Allah kaga baxaysaan somali
    Somali waa islaaaaaam Gaalana marabto .... Idinka oo kale oo caqliga eeyaha iyo doofaarada lehna ma rabto ...Run ahaanna Waxaad u fikiraysaan sida xayawaanka ilaahay ayaana sheegay xukunka sidiina oo kale
    Lakin Aduunka waalayslajoogaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa!!!!!
    WAxaad wadaan ka laabta oo ilaahay u towbad keena??
    Waa Digniiiiiiiiin !!!!!

    ReplyDelete
  3. inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun waxyoo murtadka ah waa inoo taalaa hadaad gacanteeda soo gasho inaan ku gowraco wax kale kuma yeeli laheen hadaad xabad kuuma qasaarinaayo murtadyo, alaah ka baq tawbad keeeeeen waa ogtahay alaah inuu danbi dhaafayo waa ogahay waxaan inaa u sameenoosid lacag darteed murtadyoo lacagta way dhamaan maalin ayaa dhimanaysaa lacagtaasne wax kuuma tarayso war alaah ka baq war maxaa ka ogtahay daqiiqadaqan aa warkaan aqrisatay daqiiqada ku xegta inaa dhimaneeso,war tawbad keen intuu waqtiga dhawyahay hadaad rabto inaad iila gasho dood diyaar ayaan u ahay waan ka doodeenaa waxa aa soo bandhigtay muwaxid@live.com igala soo xiriir nabadgalyo korkiisa ha ahaato qofkii soo raaca jidka toosan ooo ah diinteena islaamka wasalaamu calaa mina tabacal hudaa

    ReplyDelete
  4. Sxb Horta Fikirkaaga adiga aya u xor ah, laakin Diinta Islaamku way ka wayn tahay mid lagu dhaawaco qoraal yar oo nin Internet-ka ku daabaco.. dunida maanta ayn ku nool nahayna 4/1 (Afartii qof Mid) Waa Islam halka bari dhaw 4/2 ay ka noqon doonto ila laga gaadhayo 4/3. Marka Adigu kolay waxaad ila eegtahay qolada Imaankoodu Hunguriga ku yaal laakin Dadka Islaamka Imaankoodu Qalbiga aya uu ku yaal Ee Alle haku soo hadeeyo. Ta labaad waxaad Ogata Technolgy-da maanta In aanay waxba qarsoomin!

    ReplyDelete
  5. Ma waxaad igu leedahay meeshaan iska xir si aan u qariyo iskhilaafka iyo kala hadalka quraanka ku jira? Iskhilaafka iyo kala hadalka iyo isburinta ku dhex jirta quraanka maahan mid aan qarin karo oo aan iska indho tiri karo. Waxaa igu waajib ah in aad soo bandhigo oo aan dadka soomaalida ah u soo gudbiyo.

    ReplyDelete
  6. MANSEILLE from platalk

    ayada qalad ayaa lo fasirey "Ruuxii camalfiican fala wuxuu u falay naftiisa, Ruuxii xumaan fala wuxuu dhibay naftiisa, Eebaheenna ma aha dulmiyaha Addoomada." - Waa aayada 46 ee suurada 41 (suurat Fussilat)


    EREYGA "dulmiyaha" waa qalad , ereyga saxa ah waa "xaqdaro"

    QURAANKA si fiican u aqro walaalkegoo, si uu Allah uu kugu naxriisto ,

    ReplyDelete
  7. waa yaab wlhi hee ilaahey haku soo hanuuniyo bro galada ayaa maskaxda kaa qabsadeen bro

    ReplyDelete