Monday, April 26, 2010

gaalada yaa gaal ka dhigay? ilaaha maxamad ayaa ka dhigay

Quraanka wuxuu leeyahay ilaahey ayaa dadka gaaleysiiya oo u doorta in ay gaalo noqdaan. Kitaabkaaga lasoo bax oo aayadahaan hoos ku qoran ka fiiri.

"Cidduu Eebe hanuuniyo wuxuu u waasiciyaa laabtiisa islaamka, cidduu doono inuu dhumiyana wuxuu ka yeelaa laabtiisa cidhiidi (dhib) ah sidii isagoo kori samada saasuuna u yeelay Eebe xumaanta korka kuwaan rumaynin xaqa" - waa aayada 125 ee suurata 6 (suurat Al-ancaam)

"Ciddii Eebe hanuuniya umbaa hanuuni, cidduu dhumiyana waa uun kuwa khasaaray." - waa aayada 178 ee suurata 7 (suurat Al-acraaf)

"Cidduu dhumiyo Eebe wax hanuunin ma leh. wuxuuna kaga tegi xad gudubkooda iyagoo ku wareersan." - waa aayada 186 ee suurata 7 (suurat Al-acraaf)

"Hadduu doono Eebe wuxuu idinka yeeli lahaa umad kaliya wuxuuse dhumiyaa cidduu doono, wuuna hanuuniyaa cidduu doono, waana laydin warsan waxaad camal falayseen." - waa aayada 93 ee suurata 16 (suurat An-naxal)

"Hadaad ku dadaashid hanuunkooda Eebe ma hanuuniyo cidduu dhumiyay mana helaan gargaare." - waa aayayada 37 ee suurata 16 (suurat An-naxl)

"Hadduu doono Eebe wuxuu ka yeeli lahaa dadka umad kaliya, laakiin wuxuu galiyaa cidduu doono naxariistiisa, daalimiintuna ma helaan sokeeye iyo gargaare midna." - Waa aayada 8 ee suurada 42 (suurat Ash-shuuraa)

Labadaan aayadood hoos ku qoran waxay leeyihiin ilaahey dadka ma faro xumaan

"Markay falaan xumaanna waxay dhahaan waxaan ka hellay aabayaalkeena Eebaana na faray iyada, waxaad dhahdaa Eebe ma faro xumaan ma waxaad ku dhahaysaan Eebe waxaydaan ogayn?" - waa aayada 28 ee suurada 7 (suurat Al-acraaf)

"Waxaad dhahdaa wuxuu faraa Eebe cadaaladda iyo inaad u jeedisaan wajigiina (xagiisa) masaajidkasta agtiisa, baryana idinkoo u kaliyeeli diinta siduu inku bilaabay yaad ku soo noqonaysaan." - waa aayada 29 ee suurata 7 (suurat Al-acraaf)

Aayadaan hoos ku qoran waxay leedahay dadka ayagaa hanuunka dooran kara

"Ruuxii hanuuna wuxuu uun u hanuunay naftiisa kii dhumana wuxuu uun u dhumay naftiisa, mana xambaarto nafi dambi naf kale, mana cadaabno intaan uga soo dirro rasuul." - waa aayada 15 ee suurata 17 (suurat Al-israa)

Aayadaan kalena waxay leedahay ilaahey ayaa dadka hanuunka u doorta

"Cidduu Eebe hanuuniyo umbaa hanuunsan, cidduu dhumiyana uma helaysid ugargaare Eebe ka soo haray, waxaana ku soo kulminaynaa qiyaamada wajigooda iyagoo indho'la oo hadal la', hooygooduna waa jahannamo, markastooy dantana waxaan u siyaadinaa shidid(hurin)" - waa aayada 97 ee suurata 17 (suurat Al-israa)


Waxaa yaab ah in maxamad uu noo sheego in ilaahay uu dadka gaaleeyo ka dibna cadaabo. ilaahaas ma ilaah naxariis dhameystiran leh miyaa la dhihi karaa maadaama uu dadka intuu gaaleeyo kadibna cadaabayo? Maxamad ma wuxuu noo maleenay in aan cali laheyn oo wax walbo uu naga dhaadhicin karo? Maxamd mar wuxuu leeyahay dadka ayaaga gaalnimada doortay, marna wuxuu leeyahay dadka shaydaan ayaa gaaleysiiyay marna wuxuu leeyahay ilaahey ayaa dadka gaaleeysiiyay oo u doortay in ay gaalo noqdaan. Maxamad ma nagu ciyaarayaa mase wuxuu filayaa in aan rumeyno kala hadalkiisa?

Sidee qof ilaahey gaal ka dhigay loo soo muslimiyaa? ma ilaahey awoodiisaad ka weyn tahay?
ilaahey muxuu noogu dirayaa in aan dadka soo muslimino intuu asaga gaalo markii hore ka dhigay? ilaahey bini aadanka intuu abuurto oo uu qaarkood gaal ka dhigo ayuu hadana cadaabayaa, ilaahaas ma ilaah cadaalad ah baa? ilaahey dadka intuu kala qeybiyay oo uu kuwo ka dhigay muslim kuwo kalena gaalo ka dhigay ayuu dhexdooda isku diray, ilaahaas ma ilaah cadaalad ah baa? ilaaha masaakiinta intuu abuuro kadibna gaaleeyo kadibna cadaabaya ma ilaah fiican baa oo xaq ah oo naxariiste ah?

ilaaha maxamad noosheegay maahan ilaaha runta ah ee waa ilaah maxamad dadka ku baqsado siday u raacaan maxamad. maxamad wuxuu rabaa in uu dadka baqdin galiyo sidey asaga u raacaan oo ugu maleeyaan in uu yahay waakiilka ilaahey. ilaaha runta ah uma baahna wakiil rasuul la dhaho ee waa ilaah awood badan. maxamad been ayuu naga dhaadhicinayaa sababtoo ah aayadahiisa ayaa isburinaya oo kala hadlaya.

17 comments:

  1. Waad ka baxday diinta islaamka (qaladka ugu ween!), adigoo ku andacoonaya "Maskaxda Xorreey"; marka waxaan kaa doonayaa inaad ii sheegtid: Sidee baad iigu cadeeyn kartaa jiritaanka Alle? Fadlan, ha ii soo aqrinin "hebal baa sidaa iyo sidaa yiri", Waxaan kaa doonayaa "daliil" cad kaliya. Bal noogu faa'iideey maskaxdaada xorta ah, oo u eg inay gorfeeyn xor ah ku sameeyn karto qur'aanka, oo runtii sida ay u egtahay, ma noqon karto wax aananin ka ahaynin in lagugu soo aqriyay!!! Hurdada ka kac! Hana ku eedeeyn qur'aanka qaladaadka banii'aadanka, hana isku qaldin Alle iyo banii'aadan (faqi ween baa u dhaxeeya, kuna dar xisaabta markaad aqrinaysid qur'aanka). Is-xorreey, oo u aqri qur'aanka sida uu yahay (aayad aayad iyo dhamaantiis). Ii soo jawaab!

    ReplyDelete
  2. Marka ugu horeeysa, aniga maahi nin aaminsan diimaha aduunka ka jira khaas ahaan diimaha wakiilada leh ee nabiyada leh sida islaamka iyo christianka iyo kuwa lamidka ah. Aniga waxaan aaminsanahay in uu ilaah jiro uuna ilaahaas kaligiis yahay. Ma aaminsani ilaahey in uu soo diray wakiil ka socda oo nabi la dhaho ama uu dadkiiksa dhib u geeysto oo uu adoonsado. ilaahey iima aabuurin in uu i adoonsado ee ilaahey asagaa yaqaan wuxuu ii abuuray. Ilaahey maahan gumeyste. Maxamad ayaa ilaahey ka dhigay in uu yahay adoonsade dadkiisa dhibaateeya.

    Marka labaad, markii aan ku tusay kala hadalka iyo isburinta aayadaha quraanka ku dhex jira ayaad waxaad suubiso intaad garanweysay ayaad waxaad ii keentay dood raqiis ah oo leh quraanka oo dhan akhri sidaad u fahanto. Quraanka wuxuu ka kooban yahay aayado, aayadahaasna waxey amraan qofka in uu qaato. Hadii aad leedahay aayadaha quraanka la laga sooro oo hala isku dhexdaro taase waa mid gooni ah hadii kale ee aan quraanka u soo qaadano sida uu hada yahay oo aan raacno waxa aayadaha leeyihiin, kala hadalkaan iyo isburinta meeshaan aad aga jeedo kama baxsan kartid.

    Wadaadka markuu wacdinayo ma akhriyo quraanka oo dhan ee wuxuu soo qaataa aayado quraanka ka mid ah siduu u daliishado oo uu dadka ugu sheego waxa uu sheegayo in ay sax yihiin oo uu ilaahey amray. Marka doodaada raqiiska ah ee dhaheysa akhri quraanka oo dhan sidaad u fahanto, meeshaas ayey ku burbureysaa. Hadii aad beenineysid oo aad ka soo horjeedid qaabka quraanka u dhiganyahay oo ah in uu aayada ka koobanyahay, waa mid kuu taala ee cadeynta halkaan taala haka meer meerin.

    Markaad quraanka daliilsaneysid ma quraanka oo dhan ayaad akhrisaa mase aayado kamida ayaad daliil u soo qaadataa? War nin yahow maskaxda ka shaqeysii ee iska daa doodaan ah 'quraanka oo dhan akhri sidaad u fahanto' ee haka meer meerin kala hadalka quraanka oo qiil jeebkaaga ah ha u suubin. Quraanka waa wax maxamad qoray taasna waxaa cadeyn u ah kala hadalka iyo isburinta ku dhex jirta quraanka. Hadii uu ilaahey qoray quraanka, ilaahey ma kala hadli laheyn oo hadalkiisa isma burinlaheyn sida bini aadanka oo kale.

    ReplyDelete
  3. Waan ku faraxsan ahay, marka hore, inaad aaminsan tahay ilaahay. Kadib, inaan ka jawaabo aayadaha aad ku soo bandhigtay kor ee cinwaanka "Gaalada yaa gaal ka dhigay?".

    Dhamaan aayadahaas waxaa ay ka hadlayaan waa HANUUNINTA qofka aaminsan ama HABAABINTA qofka aan aaminsanaynin.

    Sida aad tiri, waxaa ay u eg tahay is-khilaaf haddii uu Eebe doonayo ku hanuunin qofka jidka toosan, inuu yiraahdo: waan habaabinayaa!!!

    Waa arin aad iyo aad u fudud fahmiddeeda. Waxa adiga kaa qaldan waa sida aad u aqrisid ama dhanka aad ka soo fiirisid qur'aanka. Isla adiga laftaada ayaa marqaati u noqda aayadahaas. Waana sidan:

    Tusaale: Waxaad tahay banii'aadan, waxaadna doonaysaa inaad baartid qur’aanka, waxaad aqrinaysaa aayadaha aad kor ku soo xulatay, waxaad go’aansataa in aayadahan noqon karin kuwii Eebe, waayo ma iswaafaqsana ulajeedadooda.

    Ma u jeeddaa meesha qaladka aad ka gashay? Waxaad isku qaladay ILAAH iyo BANII’AADAN. Waayo waxaad u aqrinaysaa qur’aanka sidii isagoo qoray qof banii’aadan ah. Sidaas darteedna, waad ka hore-go’aansatay adigoo garanin inaad tahay qofka ilaahay siinayo AWOODDA uu ku DOORTO “qaddartiisa”.

    Macnaheedu waa “jidkan waa jidkii aan idiin doortay, oo haddaba raaca, laakiin go’aankaas waa mid adiga ku khuseeya”. Haddii si kalena loo yiraahdana waa: “Ma tihid ILAAHAY, hana iska dhigin. Ma u lehid ogaan inaad tahay midka la habaabiyo ama midka la hanuuniyo, ee haddii aad ku dhagdid erayga Hanuunin, waad hanuunsamaysaa, laakiin haddii aad ku dhagdid erayga Habaabin, waad habaabsamaysaa”.

    Macnaheeda guudna waa “ISLAAM” = “ISCAALIN EE XAGGA ILAAHAY”. Ama haddii si kale loo dhaho waa "waxaad tahay adoon-ilaahay, ee is-xoreey, ha iska dhigin adoon-banii’aadan”, “Alle baa awooda leh, haddaba isku day inaad maskax furan, oo ka agdheer kuwa diidan oo naftii-diidka ah, aad ku baartid oo aad ku hanuuntid”.

    Waxaan jeclahay in jawaabtayda meel kaa caawisay, waxaanna ku dhihi lehaa qur’aanka waa erayada Eebe, sida uu ugu sheegayna Muxammad waa Rasuulkiisa, laakiin dhibaatadu waxaa ay ka taagan tahay waa Xadiiska, oo aananin la kala garanaynin qaladkiisa iyo saxiisa, oo lama raaci karo ilaa laga soo xaqiijiyay dhanka qur’aanka.

    Xusuuso, waa hadba dhanka aad ka soo fiirisid, laakiin dhan kaliya ayaa saxsan, xataa haddii ay kor-ahaan uga muuqato inay is-khilaafsan yihiin. Ma aha arin aad ugu fudud qof walba, laakiin talaabada ugu hereeysa waa iska xoreeynta wixii “maskax-adoonsi” ah.

    Jawaabta ee su’aasha cinwaankaaga waa: “Gaalada iyaga ayaa iska dhiga gaal”.

    Assalaamu calaykum.

    ReplyDelete
  4. Ma jiro eebbe la yiraahdo Allah ee waa been masaakiinta iyo wax maragatada lugu addoonsado ayagoo laga abbaaro cabburin iyo cabsi oo laga dhaadhiciyey in la "cadaabi" doono haddii ay sidaas yeeli waayaan.

    Ma xaajoon karaan mana fikiri karaan oo waxay ku dheggan yihiin beentaas lugu qufay, waa masaakiin dembi laga galay runtii. Qof wax uu rumaysan yahay kalama doodi karaysid waayo wax kasta oo dhan ah waxaa uga muhiimsan waxa uu rumaysan yahay.

    Qofkaan Tuke la baxay waxaa muuqata in uu jirran yahay oo uu maankiisu dhimman yahay sidaas aawadeed ma mudna jawaab.

    ReplyDelete
  5. Walaal Tuke, waxaad tiri 'Xusuuso, waa hadba dhanka aad ka soo fiirisid, laakiin dhan kaliya ayaa saxsan, xataa haddii ay kor-ahaan uga muuqato inay is-khilaafsan yihiin. Ma aha arin aad ugu fudud qof walba, laakiin talaabada ugu hereeysa waa iska xoreeynta wixii “maskax-adoonsi” ah.'

    Tuke, Waxaad leedahay quraanka waa hadba dhankii aad ka fiirisid. Hadii aan sida aad leedahay raacno, waxaad leedahay sidaad doonto u fasiro quraanka. Waxaan ogaa in quraanka la badali kari ee ma xaad noo soo jeedineysaa in aan quraanka sida aan rabno u fasirano?

    Saaxiib waxba ha is indho tirin, qof walba oo caqli leh oo akhriya aayadaan wuu u jeedaa is-khilaafka ku dhex jira quraanka. Iskama indho tireyno is-khilaafka ku jira quraanka oo qiil uma suubineyno. Halkaan waxaan u furay in ay dadka arkaan is khilaafka ku jira quraanka, mana aha meel dadka laga habaabiyo waxa saxda ah oo jira, taas oo ah in quraanka uu is-khilaafayo.

    Hadii aan doodaada raacno oo ah hadba dhanka aad ka fiirisid quraanka ayaa saxsan bal aayadaan noo sharay oo qiil ula imow aad ku dabooleysid: "Cidduu dhumiyo Eebe wax hanuunin ma leh. wuxuuna kaga tegi xad gudubkooda iyagoo ku wareersan." - waa aayada 186 ee suurata 7 (suurat Al-acraaf)

    Bal u fiirso aayada kor ku qoran, waxey leedahay ilaahey ayaa dadka dhumiya, marka waxey khilaaf ku noqoneysaa wixii aad ka sheegeysay quraanka oo ahaa bini'aadanka ayagaa kala doorta wadada saxsan iyo wadada khaldan.

    Walaal hadii aad iska indho tireysid is-khilaafka ku dhex jira quraanka, anagu iskama indho tireyno oo halkaan ayaan ku soo bandhigeynaa. Quraanka waa erayadii maxamad waayo ilaahey erayadiisa ma is-khilaafaan sida bini'aadnka oo kale. Hadii aad leedahay quraanka qof walbo siduu doono ha u fasirto, waad mid adiga jeebkaaga ah oo ka soo horjeeda fikrada quraanka ku saleysan yahay oo ah in aan quraanka labadali karin. Hadii kalena oo aad u weysay qiil aad u hesho is-khilaafka quraanka ku dhex jira, waxaan ku oron lahaa, maskaxdaada xoree uu si furan u fakar oo ha ku dhaganaan in quraanka uu yahay erayada ilaah. Maxamad ayaa sheegay in quraanka uu yahay erayada ilaah ee qof kale ma sheegin, marka haduu maxamad saxsan yahay, ilaahey erayadiisa isma khilaafi laheyn. Maskaxdaada xoree waalal oo run ha iska indho tirin.

    ReplyDelete
  6. Salaan sare!

    Walaal waxaan kugula talinayaa in aadan la doodin qof sidaas u hadlaya waayo waxaa lala doodaa ama lala xaajoodaa qof qalbi furan. Qof Carabtii addoonsatay geed ku xirteen la hadalkiisu waa qof waalal la xaajood oo kale.

    Maxaase laga xaajoodaa hadday dadka bireynayaan? Ficilladooda ayaa dooddii daaqadda ka saaray. Waa la yaqaan waxay la soo boodayaan "diinta maaha ee waa dadka." Sida u caadada ah Maxamed (piss be upon him) xoolihiisa.

    ReplyDelete
  7. salaan sare dhamaan ummada soomaaliyeed ee Gaalada ah ee sharaf ta leh ee ahlu cilmiga ah.
    - waxan war loo heyN! oo jaha warer ka ku ridey umada somaliyeed/muslimiintaba waa! YAA AWOOD BADAN SHEYDAAN MISE ALLA!!?
    -muxamad (tuug&ciyaal suuq ah!)noo GU SHEEYGAY QURAAF-KA QURANKA
    IN ALLAH OOW YAHAY MID AWOODBANA, AQOON BADAN, NAXARIS BADAN.....!!
    mase allah waxba ma kama diidi karo sheydan?
    yaase kuraayey goobtii su'aalah leysku dhafsadey!!?
    ok aan wada aragno.
    -sheydan sujuudii waadiidey wana xanaaqey bani aadam-ka waa la wareedgay
    -allah wax boow abuurey in loo su juudo cod sadey,
    sujuudii laga dii,waxiina waalaga haleeyyey!
    marka allow nin kaa awood badan oo gacan tiisaba aan kujirin maxaad noogu tuurtey!!?
    mise waxa dhan ba waa kaligiis oo mashin wata!!?
    dad-ka qaar saas beyy qabaan??
    sabab tooah sheydan horey boow u abuuray! naarna horey boow u abuurey! kadibna aadam abuurey!sheydana ku co laadiyey!maxaa yeelay horey boow u ogaa in sheydan dii di doo no codsanadono in oow bani aadam ka naarta u duufsado!(tani waa in allak oow yahay kiriminal/gacan ku dhiigle!)
    warkaan oodhan waxow kujiraan aayadahaan hoos ku xusan!
    -tafsiirkooda ku soo dhawaaw!


    -قَالَ رَبِّ فَأَنظِرۡنِىٓ إِلَىٰ يَوۡمِ يُبۡعَثُونَ (٧٩[] قَالَ فَإِنَّكَ مِنَ
    ٱلۡمُنظَرِينَ (٨٠) إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡوَقۡتِ ٱلۡمَعۡلُومِ (٨١) قَالَ فَبِعِزَّتِكَ لَأُغۡوِيَنَّهُمۡ أَجۡمَعِينَ
    -yaadda(38:79)shey daan waxooy yiri" allow ii sug alaa maalinta dib loo soo saarayo(qiyama mashrucca nudida laxiraayo!)
    -ayadda(38:80)ilaah na waxoow yiri"sheydannow waxattahay mid loo sugo ".
    -ayada(38:81)"ilaa maalinta waqtiga lawada og yahey."(oo allah iyo sheydaan ku heshiiyeen)
    -ayyadda(38:82) shyedaan waxow yiri"ilaahoow magacaadaan ku dhaartee dhamaantood waan luminaa!"
    oo sheydan ilaah hortiisa oo kula wareegay kontorool-ka allah i dhihiiso shantaa baa laga wareegey wixii oo laha u su juud waxaana oo sheeydan tusey in oo ka adood badan yahay allah!(oosa war kadiidi karin/rabin)
    waxaa kaloo sheydaan tusay allh, in soow sheegay ba oo kakheyr/awood roon yahay bani aadam -ka
    Gaban gabadii ninkii raba in oo ahaado kubad/banooni eey sheydaan &allah si naxariis taraa isu gu baas baasaan, haku mitido muna maal&xoolo beelo diin INKAARAN EE MUSLIM-KA EE BEEN TA AH SSA ARKEYSID BA
    ABA ADII KALE ISAGA BAX OO MESHII AAD RABTO RAAC, TAN QAA QURAAFTA-KA UGU XUN EE LA CAABUDO MAANTA
    XEEYLE GEELA YERE.

    ReplyDelete
  8. Walaal Xeeyle Yare, salaan sare mudane. Walaal isha ayaad ka tuurtay beenta maxamad dhoodhoobay oo caqli aan ku saleysneeyn. Sheekada maxamad uu noo sheegayo waa sheeko caruureedii caruurta looga sheekeyn jiray oo kale sababtoo ah waad u jeedaa in ay wax been ah tahay. Maxamad diintiisa beenta ah waxey dadka u diideysaa in ay fakaraan oo ay su'aalo ka keenaan diinta islamka. Hadii ay diinta islamka ay dadka xor u siin laheyd in ay su'aalo ka keenaan oo ay isweydiiyaan "Waxa aan rumeysan nahay ma wax sax ah baa? Sidee sax ku tahay? Waxa quraanka sheegayo ma wax maqcuul ah baa? Maadaama uu quraanka aayadahiisa is-khilaaf ku jiraan oo labo aayadoo ay wax iska soo hor jeeda leeyihiin, labadaas aayadood teen qaadanaa? Oo maxaan aayadaan aga dooranay mida kale?" Waxaa qofka muslimka ah u cadaan laheyd in quraanka laga dhaadhiciyay uu been cad yahay. Runta ma ogaan kartid hadii aysan macquul aheyn iyo sida ay macquul ku noqotay. Marka su'aashu waxay tahay sidee maxamad noogu sheegi karaa in ilaahey uu naxariiste yahay sababtoo ah ilaahey asagoo aduunka suubin ayuu wuxuu suubistay cadaab asagoo ogaa in uu dadka cadaabi doono. Marka maadaama uu ilaahey ogaa in uu cadaabi doono dadka, muxuu ilaahey uga hortagi waayay in uu cadaabo dadka oo ugu naxariisan waayay, ilaahey ma naxariiste baa? Adiga hadii aad ogaan laheyd in qof maskiin ah uu wadada yaalo oo qofkaas baabuur jiiri doono labada saac oo soo socda, hadii aad qof naxariis badan aad tahay waad ka badbaadin kartaa in qofkaas babuurka uu jiiro sababtoo ah waxaad og tahay hadii aad ka qaadid qofkaas wadada in baabuurka uusan qofkaas asagoo wada yaala uu jiiri doonin. ileehey dadka intuu abuurto ayuu hadana cadaabayaa, ilaahaas soo maaha gacan ku dhiigle oo dhiig cabe ah? Su'aalahaan oo kale waa su'aalaha u baahan jawaabo macquul ah, Diinta muslimka ma rabto in su'aalahaan oo kale uu qofka muslimka ah is weydiiyo sababtoo ah waxey og tahay in uu qofka ooganayo in quraanka uu been macquul aheyn uu yahay. Marka sababta looguu diido in qofka muslimka ah uu si xor ah u fakaro waa in laga hor tagaa in uusan arkin beenta maxamad dhoodhoobay oo quraanka ah. Haduu maxmad nagu dhihi lahaa ilaahey waa ilaah aan naxariis laheyn oo dhiig cabe ah oo gacan ku dhiigle ah oo dadka gumeysta, markaas waa wax macquul ah oo la rumeysan karo sababtoo ah waxaan og nahay in ilaahey uu dadka adoonsado oo uu rabo in ay caabudaan, waxaa kale oo og nahay in ilaahey uu leeyahay cadaab uu dadka ku gubo, marka waa macquul in ilaahey uu yahay ilaah aanan naxariisan oo uu yahay dhiig cabe. Laakiin maxamad haduu nugu dhaho ilaahey waa naxariiste laakiin ilaahey aanan ka arag wax naxariis ah sababtoo ah waxa uu suubinayo oo aan kor ku soo sheegay, sidee ku rumeysaa ilaah labo wajiile ah oo mar dhahaya waxaan ahay raxariis, marna falaya falal naxariis daro ah. Maxamad ma waxa uu noo mooday in aan ka caqli yarnahay oo been walbo naga dhaadhicin karo? ilaaha ogaa in uu dadka cadaabi doono oo cadaab u suubistay laama arki karo in uu yahay ilaah naxariiste ah. Maxamad caraboow, hadii aad rabtid in aad ku rumeyno noo sheeg wax macquul ah.

    Waxaa nasiib wanaag ah in saaxiibadeyda soomalida ah oo gaalada ah ay fahmeen diinta beenta naga la dhaadhicay oo aan aaminnay in aysan run aheyn. Saaxiibadeyda kale oo soomaaliyeed oo muslimka ah waxaan u rajeynayaa in ay arki doonaan in quraanka uu yahay been aan caqliga gali karin oo xataa caruurta aysan qaadan karin hadii ay su'aalo ka keenaan quraanka.

    Maskaxda Xoree
    Soomaaliyeey isticmaala maskaxdiina

    ReplyDelete
  9. Waad salaaman tihiin xorta.

    Runtii ma jiraan dad loogu yeero gaalo ee waxaa jira dad xoroobay oo dib u yagleelay togtii kol hore laga afduubay. Sidaas daraadeed waxaa jira xor iyo addoon ee ma jiraan gaalo iyo Muslim. Micnaha Muslim ayaa u dhigan qof isdhiibay ama qof aan xor ahayn.

    Mahadsanid.

    ReplyDelete
  10. Istaaaaqfuru Laaah Ilaahii nii abuurey ee Naftan ni galiyey ee caafimadkan nii siiyeu madku kufriseen walaahi banku dhartee wad Qasaarten lkn malinta Qiyaamo ee Allah SWT hortiisa la istagi dono bad shalaay dontaa ee intey gori goortahay Allah uso noqda Xor ad sheygeysan maxey tahay waba nila heystaa gaal iyo sheydaan nii haysto Aduunka hal diin baa jirta waan ISLAAM Ilaah niiso hanuuniyo

    ReplyDelete
  11. Alla maxaa la danbaabayaa!!! Waxaan idinka rabaa kuwa suubanaha iyo ilaah wax ka shegaya soo alifa ama isku taga kulligiin gaalada wada ah xitaa carabta gaaladooda ku soo darsada hal aayad oo carabi ah oo sida quraanka kariimka ah mucjizo ah soo bandhiga hadii kale kala taga netka waxaan la soo turjumay ee qar iska xoorka ah...

    ReplyDelete
  12. Subhanallaah noomaadan rajeen wax qeeyr ah Alle markuu abuuraayay JANNO iyo NAAR wuxuu ogaa dad noociin ah ineey aduunka ku noolyihiin Lkn ALLE AWAA DAnbi dhaafe naxariis badan EE TOWBAD weydista wuu idin danbi dhaafi insha'allaah

    ReplyDelete
  13. inaalilaahi wa inaa ileyhi raajucuun walaalayaa ilaah ka baqa diinta islaamku waa diin saalix ah muxamad scw xumaaan kuma sifeysnay quruunkuna been laguma arkin ilaah ka baqa teeda kale islaam hadiinin ahayn diintee ka saxsan war ilaah ka baqa shaydaankuna yuunan idin haligin subxaana laah

    ReplyDelete
  14. inaalilaahi wa inaa ileyhi raajucuun walaalayaa ilaah ka baqa diinta islaamku waa diin saalix ah muxamad scw xumaaan kuma sifeysnay quruunkuna been laguma arkin ilaah ka baqa teeda kale islaam hadiinin ahayn diintee ka saxsan war ilaah ka baqa shaydaankuna yuunan idin haligin subxaana laah

    ReplyDelete
  15. I'llaahay isagaa dadka gaal ama Muslim ka dhiga,hadana isaga lee cadaabaayo,sabab?

    ReplyDelete
  16. Ilaahay caqli buu ku diiyey, dariiqa xumaanta iuo dariiqa wanaagga loo marona waa kuu dheegay,adigay kugu. Xidhan tahay
    Kaad maraydid!
    Waxa muuqata ,aad ogtahay,idka indhatirsysaa runta , shilimaad gaalo ku siisay darteed!
    Iimaanka gudhan iyo
    Garashada saboolka Ah,
    WayskA gebi-dhaclaysaa
    Waa sida geddaadaa!!

    ReplyDelete
  17. nacdaL dag daga allaH kugu habsado waa malin jimce nacalla tullaa calayk

    ReplyDelete