Monday, April 26, 2010

Diinta muslimka gaalada ma soo gali karaan? Maya

Aayadaan waxay leedahay ilaahey gaalada ma hanuuniyo

"Kuwaan rumayn Aayaadka Eebe ma hanuuniyo Eebe waxayna mudan cadaab daran" - Waa aayada 104 ee suurada 16 (suurat An-naxl)


Marka su'aashu waxay tahay sidee ayuu qof ku soo muslimi karaa sababtoo ah aayadaan ayaa waxay leedahay ilaahey gaalada ma hanuuniyo? Bini aadanka ma waxay suubin karaan wax aan ilaahey u ogalayn? Aayadaan waxay ku tuseysaa in quraanka uu qoray maxamad sababtoo ah waxay ka soo horjeedaa fikrada islaamka oo ah in dadka lasoo muslimiyo. Kala hadalka quraanka ayey ku tuseysaa. Hadii ay dhahaan ilaahey wuxuu hanuuniyaa ciduu doono, taas waxay ka soo hor jeedsaneysaa aayada kor ku qoran oo dhaheysa ilaahey ma hanuuniyo gaalada. Meeshas kala hadal ayaa ka imaanaya.

Maxamad mar wuxuu leeyahay waxaa la ii soo diray in aad dadka muslimiyo, marna wuxuu leeyahay ilaahey ma hanuuniyo gaalada. Marka ilaahey hadii uusan rabin in uu gaalada soo hanuunin sidee dadkii gaalada ahaa ku soo muslimeen? War wuxu caqli xumaa.

5 comments:

  1. Allah wuxuu la camal yahay carruurta kuwooda ugu carada badan oo ugu camal xun. Guud ahaan, Quraanku waa sheeko carruureed ay dhiigyocabku ku doodaan oo wixii aan raacin dila.

    Waa huboonto in qof caqli leh uu Muslim noqon karin sababtuna tahay Islaam caqli gal maaha waxa uu yeeriyano oo masaakiinta ku tigtigayo oo nolosha ku dhibayo heer ay geeri doortaan.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Soo ma wanaagsana fikiradaada iyo waxaad aaminsatahay in ay adiga kuugu ekaadaan

      Delete
  2. sxb waa inoo maalinta aaqiro haduu qur,aan uu mohamed qorey iyo hadii kaleba

    ReplyDelete
  3. Marka hore Ogoow Quraanka inaad afiga Fasirta kaagama Baahna sababto ah isaga ayaa is fasiraayo aayada so gudbisay waxaa jirto aayad kale fasireyso waa tan labada aayad ee suurtat al nisaa 168 to 169

    Eebo kor ahayee wuxu yiri :

    kuwa Gaaloobay ee Dulmi falay ma aha Eebe kii u kii u Dambi dhaafa ama ku Hanuuniya Jid.

    Jidka Jahannamo mooyee iyagoo ku waari Waligood. Arrintaasna waa u Fududahay Eebe.

    Qofka Af ka Zoomaaliga ku hadlaayoow waxa tahay Qofkii iigu horeeyay oo Af Soomaali qori kara oo Hadalaadan ku hadlaaya.

    ReplyDelete
  4. Dadlumis ayaa tahy hadaad adiga lunty umada haluminin

    ReplyDelete