Saturday, November 6, 2010

Sababta ay diimaha been u yihiin iyo ujeedadooda

Dunida waxaa ka jira diimo badan. In kastoo diimaha dunida ay aad u badan yihiin, Diimaha ugu caansan aduunka waxay ka yimaadeen qaaradda Aasiya. diimahaan ugu caansan waxay kala yihiin Kirishtaan, Yahuun, Islaam, Buddhism, Shikhism, iyo Hinduism. Qofkii rumeysan diin ka mid ah diimahaan wuxuu aaminsan yahay in diintiisa kaliya ay tahay diinta saxda ah oo diimaha kale ay been yihiin. Diin walba waxay leedahay nin aasaase ah oo aasaasay diintaas oo baray dadka. Ninkaas wuxuu dadka u sheegaa in uu sido fariintii ilaahey oo wuxuu yiraahdaa ilaahey ayaa isoo diray si aan dadka ugu gudbiyo fariintii ilaahey. Dadka rumeysan diin waxay u yaqaanaan ninka aasaasay diintooda "Nebi".

Waa kuma Nebi?

Nabi waa nin ah aasaase diin. Diin walba waxay leedahay nebi aasaasay oo dadka baray oo faafiyay diintaas. Ninka nebiga ah wuxuu dadka u sheegaa in Eebe uu soo dirsaday oo uu u soo diray dadka. Oo wuxuu sheegtaa in uu wado fariintii Eebe. Wuxuuna isku dayaa in uu diintiisa dadka ka dhaadhiciyo. Nebiga si uu dadka uga dhaadhiciyo diintiisa wuxuu difaac aga dhigaa diintiisa labo sheey oo kala ah Baqdin iyo Balanqaad. Nebiyada waxay u balanqaadaan qofkii rumeeya diintooda in qofkaas uu Eebe geeyndoono Janno. Qofkii diidana wuxuu ku baqlid galiyaa dab(cadaab) oo wuxuu ku yiraahdaa Eebe ayaa cadaab ku geyndoona markaad dhimato sababtoo ah diinteyda ayaad diiday in aad rumeysid. Diimaha oo dhan waxay ku saleysanyihiin baqdin iyo balanqaad. Diin walba waxay wadataa dhaqankii iyo afkii meeshii uu ku dhashay nabiga diintaas. Kitaabka diintaas wuxuu ku qoran yahay luuqadii nabiga diintaas. Magaalada ugu barakeysan ee diintaas waxay ku taalaa wadankii uu nabigii diintaas aasasay ku dhashay. Tusaale ahaan, diinta islaamka magaaladeeda ugu barakeysan waa Mekka oo waxay ku taalaa wadankii uu Maxamad ku dhashay ee ahaa Saudi Arabia. Magaalada ugu barakeysan ee diinta kirishtaanka waa Bethlehem ee ku taal wadanka Israel, waa magaaladii uu ku dhashay jesus (ninka aasaasay diinta kiristaanka ah). Magaalada ugu barakeysan ee diinta Yuhuuda waa Jerusalem ee ku taal wadanka Israel ee ah wadankii uu ka soo jeeday ninkii aasaayay diinta yuhuuda(judaism) ee magaciisa layiraahdo Moses. Magaalada ugu barakeysan ee diinta Hinduism waa Varanasi ee ku taal wadanka India ee ah wadankii uu ku dhashay ninka aasaasay diinta hinduism. Magaalada ugu barakeysan ee diinta Buddhism waa Lopburi ee ku taal wadanka Nepal ee ah wadankii uu joogi jiray ninkii aasaasay diintaan ee magaciisa la dhihi jiray Budha. Magaalada ugu barakeysan ee diinta Sikhism waa Amritsar ee ku taal wadanka India. Magaalooyinkaan oo dhan waxay ku yaalaan wadanka uu ninka diintaas aasaasay uu ku dhashay. Diin walba kitaabkeeda wuxuu ku qoran yahay luuqada looga hadlo wadanka uu nabigeeda ku dhashay, maalada ugu barakeysan ee diin walba waxay ku taalaa wadanka uu ninka aasaasay diintaas ku dhashay. Waxaa yaab leh in nabi walba uu yiraahdo diinteeyda ayaa caalamka loo soo diray ayadoo iska cadahay in Diin walba luuqadeeda, dhaqankeeda, taariikhdeeda, iyo astaamaheeda ay ku saleysan tahay tan wadanka uu nabiga diintaas ku dhashay.

Ilaahay iyo diimaha

Aasaase diimeed (Nebi) walba wuxuu ku doodaa in diintiisa ay tahay midda kaliya ee saxda ah oo loo soo diray caalamka oo dhan, marka su'aasha imaaneysa ayaa waxay tahay haddii diintiisa loo soo diray caalamka oo dhan, maxay diintiisa luuqadeeda, dhaqankeeda, taariikhdeeda, astaamaheeda iyo magaaladeeda ugu barakeysan ay ugu salaysan tahay tan wadanka uu nabigaas ku dhashay? Ma ilaahey ayaa dadkiisa kala jecel oo qaarkood luuqadooda, dhaqankooda, taariikhdooda, iyo magaalooyinkooda ka jecel yahay tan dadka kale? Maya saas maahan ee diin walba waa wax uu qof suubistay si uu u helo awood oona u noqdo hogaamiye.

Nebinimada iyo jago raadinta

Diimahaan oo dhan waxaa la aasaasay waayihii hore. Wakhtigii diimahaan la aasaasi jiray maysan jirin wax dowlad ah. Waxaa jiray boqortooyo oo xukumi jirtay dadka. Oo nin boqor ah ayaa wuxuu ahaa qofka ugu jagada sareeya bulshada oo ugu awooda badan. Qofkii aan boqortooyo ka dhalan awood uma lahayn in uu noqdo boqor ama uu qabto jagada ugu sareeysa ee bulshada sida madaxweyne ama boqor. Qaabka kaliya ee qof aan boqortooyo ka dhalan uu u noqonkaray hogaamiyaha bulshada waxay ahayd in uu qofkaas sheegto nebinimo oo uu aasaaso fikrad cusub (diin) si uu dadka u soo raacaan oo uu u helo taageero badan. Nebi walba intuusan diin aasaasin wuxuu iska ahaan jiray qof iska caadi ah oo bulshadiisa ku dhex nool laakiin markii uu diin cusub la soo baxay ayuu wuxuu noqday hogaamiyihii ugu sareeyay bulshadiisa sida boqorka uu ahaan jiray. Nibankaan nebiyiinta ah waxay rabeen jago wayna heleen markey diin aasaaseen oo waxay heleen jagadii ugu sareysay ee bulshadooda.
Maxamad wuxuu ahaa noocaas oo kale. Maxamad intuusan diin aasaasin wuxuu iska ahaa qof caadi ah laakiin markuu diinta islaamka aasaasay oo uu nebinimo sheegtay ayuu wuxuu helay jago oo wuxuu noqday hogaamiye sare. Dadka qaarkood jagada way jecel yihiin, tusaale ahaan Jeneraal Cabdullahi Yuusuf Axmed wuxuu u halgamayay laga soo bilaabo 1978 ilaa iyo 2004 si uu u noqdo madaxweynaha Soomaaliya. Jeneraal Cabdullahi Yusuf wuxuu noqday madaxweynaha Soomaaliya sanadkii 2004 , Cabdullahi Yuusuf waxay ku qaadatay mudo 30 sano ku-dhowaad ah inuu madaxweyne noqdo laga soo bilaabo markii uu halgan u galay ee aheyd 1978 markuu aasaasay jabhadii hubeysneyd ee SSDF.
Nebiyada waa jago doon oo way dagaalamaan ilaa iyo inta ay jagada helayaan, taasna waxaa tusaale u ah Maxamed oo dagaalamayay mudo 20 iyo dhowr sano ah.

Maxamad iyo jago

Dadka qaarkood ayaa waxay ku doodaan in maxamad uusan jagodoon ahayn oo waxay dhahaan odayaashii qureysh ayaa maxamad ku yiri maxamadow waxaad wado joogi jago iyo wax walba oo aad rabto anagaa ku siineyna. Haddaba Qofkii ku dooda maxamad jagodoona ma ahayn, su'aalahaan ayaan u hayaa:
1. Maxamad hogaamiye ma ahaa ka hor inta uusan sheegan nebinimada? jawaabtu waa maya.
2. maxamad markuu aasaasay diinta islaamka oo uu nebinimo sheegtay hogaamiye ma u noqday dadkii rumeeyay? jawaabtu waa haa.
3. maxamad markuu candhuuf tufo soo dadka isma mar-marin jirin candhuuftuu tufo? jawaabtu waa haa sababtoo ah xadiisyo ayaa sheegaya sidaas. Orod oo wadaad soo weydii arintaan haddii aad been u maleysid.
4. maxamad ma helay jagadii ugu sareysay oo ma noqday hogaamiyihii ugu sareeyay kadib markuu nebinimo sheegtay? jawaabta waa haa.

waxaa dhici karta in ay dadka qaarkood ku doodaan sidaad: "Maxamad haddii uu jagodoon ahaan lahaa muxuu u raaci waayay odayaashii qureysh markey ku yiraahdeen Maxamadow nebinimada aad sheeganeyso iskadaa anagaa ku siineyna jago iyo wax walba oo aad rabtid"? Jawaabta su'aashaan waa, haddii uu maxamad yeelilahaa codsiga odayaasha qureysh oo uu joojinlahaa nebinimada uu sheeganayo si uu jagada loo balanqaaday uu ku helno, markaas wuxuu weyn lahaa taageerada dadkii rumaysnaa in maxamad uu yahay nebi, oo dadkaas waxaa u cadaan lahayd in maxamad uu been ka dhaadhiciyay markaasna kalsoonida ayey kala noqonlahaayeen. maxamad haddii uu nabinimada ka soo tago si uu jago u helo, ka waran haddii odayaashii qureysheed ee maxamad u balanqaaday in ay siiyaan jago ay kala noqdaan balanqaadkii oo ay ku dhahaan maxamadow jago kuma siineyno waxaan rabnay kaliya in aad waxa aad wadid ee ah nebinimada aad joojisid. Maxaa ku dhici lahaa maxamad? Meel cidlo ah ayuu soo istaagilahaa oo labada dhinacba oo kala ah nebinimada iyo jagada loo balanqaaday wuu weynlahaa oo sharafta ayaa ka dhici laheyd. Sidaas daraadeed ayuu u diiday jagadii loo balanqaaday.


Nebinimo iyo caqliga Ilaahey iyo caqligaaga

Marka ugu horeysa intaanan ka hadlin caqliga nebinimada iyo sheegashadeeda. Su'aalahaan ka jawaab.
1. Ma rumaysan tahay in uu Eebe caqli badan leeyahay? Aniga jawaabteydu waa haa. Adinaga?
2. Eebe ma Eebe cadaalad ah baa? Jawaabteydu waa haa. Adigana?
3. Eebe haddii uu cadaalad yahay dadkiisa ma kala jecel yahay? jawaabteydu waa Eebe dadkiisa kalama jecla.
4. Ma kula tahay in qof bini'aadan ah uusan Eebe kaa xigin maadaama uu Eebe yahay cadaalad? Jaawaabteydu waa Eebe cidna igama xigto.
5. Ma kula tahay in Eebe uu yahay gumeyste? jawaabteydu waa maya.

Maxamad wuxuu nebinimo sheegtay markuu jiray 40 sano wuxuuna dhintay asagoo jira lixdan iyo xoogaa sano. Maxamad wuxuu faafiinayay diintiisa mudo labaatan iyo dhowr sano ah. Labaatankaas sano wuxuu joogay oo ku faafinayay dhulkii uu ku dhashay ee ahaa sacuudi careebiya. Wuxuu joogi jiray labada maagaalo ee kala ah Mekka iy Madiina. Quraankana wuxuu u qaybsan yahay mekaad iyo madiinaad. Maxamad wuxuu sheegay in suuradaha quraanka qaarkood asagoo Mekka jooga ku soo dageen, qaarka kalena ay ku soo dageen asagoo jooga Medina. Haddaba adiga ma kula tahay in Eebe uu fariintiisa u soo dhiibtay nin bini'aadan ah oo aan awood u laheyn in uu qaarad walba oo dunida kutaala uu aado si uu dadka ugu sheego fariinta Eebe? Maxamed carabi kaliya ayuu ku hadli jiray, sacuudi carabiya ayuu waligiis joogay oo qaarad kale ee adduunka ka mid ah lama sheegin asagoo aaday. Eebe intaas wuxuu ka caqli badan yahay oo sooma dirsado qof bini'aadan ah sida maxamad oo kale.

Tusaale ahaan: ka soo qaad in madaxweynaha soomaaliya uu rabo in uu fariintiisa u gudbiyo dadka soomaaliya ku nool oo dhan. ka soo qaad in qofwalba ee soomaaliya ku nool uu sitto reediyow daaran oo batarigiisa buuxa. Marka qaabkee ayuu madaxweynaha soomaaliya ugu gudbinkaraa fariintiisa dadka soomaaliya ku nool oo dhan? Madaxweynaha asagoo awood u leh in uu fariintiisa ka soo gudbiyo raadyaha, ma kula tahay intuu raadiyaha iska dhaafo in uu qof lugeynaya soo diro si uu fariintiisa u gudbiyo? Taas waa caqli xumo wayn. Haddii uu madaxweynaha caqli leeyahay radiyaha ayuu isticmaali lahaa si uu u soo gudbiyo fariintiisa. Haddaba ilaahey asagoo awood u leh in qof walba uu gaarsiiyo fariintiisa halmar. Ma kula tahay in uu qof soo diri lahaa haddii uu yahay ilaah caqli badan? taas waxaa kuugu cad in nibankaan nebinimada sheegta ay kaligood isa soo direen oo Eebe soo dirin. Eebe caliga ma la'a ee waa Eebe caqli badan.

Waxaa dhici karta in dadka qaarkood ay ku doodaan sidaan: "sababta uu ilaahey nebiga ugu soo diray dadka waa ilaahey wuxuu ka wadaa imtixaan oo dadka ayuu imtixaamayaa" . Qofka sidaan ku dooda waxaan u hayaa su'aal fudud oo ah "Ilaaha aad sheegeysid ma ilaah raxaaris badan baa oo badbaadiye ah"?

1. Haddii uu naxariis badan yahay ilaahey muxuu dadka aga badbaadinwaayay naarta maadaama uu ogaa in dadka qaarkood uu cadaabi doono?
2. Haddii uu ilaahey naxariis badan yahay oo uu rabay in dadka oo dhan ay caabudaan muxuu qalbigooda ugu beeriwaayay si uu aga badbaadiyo cadaabtiisa?
3. Ilaahey ma rabaa in uu dadka cadaabtiisa ka badbaadiyo mase wuxuu rabaa in uu qarkood cadaabo?
4. ilaahey ma mid naxiis daran baa oo intuu dadka abuurto hadana cadaabaya?
5. ilaahey ma wuxuu ku raaxeystaa cadaabta dadka uu abuurtay?
6. ilaahey ma badbaadiye baa?
7. ilaahey ma carabta iyo af carabiga miyuu ka jecelyahay dadka kale iyo luuqadahooda?
8. ilaahey ma wuxuu kuu abuurtay adigoo qof soomaali ah in uu kugu imtixaano qaadashada diin ama fikrad dhaqankeedu, afkeedu, taariikhdeedu, astaameheedu iyo magaaladeeda ugu barakeysan ay tahay Carab iyo bariga dhexe?
9. ilaaha qoomiyadaha kala jecel ma ilaah cadaalad ah baa?


Walaal, Eebe waa Eebe cadaalad ah oo aan qofna kaa xigin xattaa nebi. Eebe jid loo soo maro ma leh ee qof walba ayaa baryi kara. Eebe maahan adoonsade dadka u abuurtay in uu adoonsato si ay u caabudaan. Caqligaaga isticmaal oo diimahaan lagaa dhaadhiciyay ku fiiri indho cusub iyo maskax furan iyo caqli. Caqligaaga isticmaal. Fakar oo dhaqankaaga iyo afkaaga iyo magacyada soomaaliga ah iyo labiskaba maahan in aad qaatatid wax dhaqan kale laga keenay ee la diimeeyay. Diimaha oo dhan waa sheeko baraleydii dadkii hore oo waa wax dad jago doon ah suubisteen. Diimaha waa caqli xumo oo Eebe ayey u ekeysiiyeen Eebe adoonsade ah.

18 comments:

  1. Salaan sare!

    Waxaad waddaa hawl aad iyo aad u qiimo badan oo waxaad tahay waddani Soomaaliyeed oo dadkiisa iyo dalkiisa wanaag u goobaya, sidaas daraaddeed, mahadsanid boqolkiiba boqol.

    Dhammaan qodobbada aad soo bandhigtay waa run aan laga indho saaban karin. Waa caqli leh geesinnimo ee guul iyo guubaabo ayaan ku leeyahay, aniga iyo inta sida xorta ah u fekerta oo dhan.

    Halkaas ka sii wad!

    ReplyDelete
  2. waar hoy gaalaysiinta maad ka daysid yar yarkan aan cilmiga lahayn, waxa ka dambeysa meel naar lagu waarayee, yaa ka shakisan inuu dhimanayo,xageed markaa ilahay ka gali?? is waydii sababta laguu abuuray??? ma ciyaar ciyaarbaa??
    hadaad ilahay doonayso inad eegto horta cirka yo dhulka eeg. adeer nolol kooban oo 50 years ah ha ku dagmina dhalinyaroy. website kana haysku soo galina idinkoo bilaa cilmi ah, maxa yeelay websitken waxa leh yuhuud yo maraykan, raga ka masuulka ahna waa gaalo, tushuush bay ku furayaan dhalinyarada aan cilmiga lahayn. hoogte oo ba dee xagaydun ka gali, ilahay.

    ReplyDelete
  3. waar saaxiib marka hore aadban ku salaamay

    waar niyow anigu fikirkaga oo dhan wan kugu raacsanahay lakiin hal midbaan fahmi waayay, diimaha oo dhan waad kasoo hor jeeda, hadana illah (eebe/rabi) inaad aaminsantahayba ka muuqata!

    anigu waxaan aaminsanahay, qofku inuu maskaxdiisa adeegsado oo uu iyada ku kala garto xumaanta iyo wanaaga. hadii uu illah jirana: sida dadka gaajadu marka ay qabato cunto ugu baahdan. ayaa loogu baahan laha illahay.

    runtii anigu markaan somalida eego waan la yaaba, maanta kama ogolaanayan hadaad ku tidhahdid, kaalay dhagaxan yarbaynu caabudaynaye, lakiin way ka ogolaanayan nin allah la yidhahdo oo aan la arki karin in la caabudo!

    ReplyDelete
  4. war ilaahay ka cabsada oo kadaaya xumaanta aad faafinaysaan. allaha wayn ee awoodiisu sarayso idinkagama baahna aqoonsi xataa iskadaa adigee aduunka waxa saaran ee insi iyo jini WAX aqoonsi ah ugama baahna. alaah awoodiisu waa wayntahay isagaa abuuray aduunkan, isagay kasoofulaan waxkasto oo aduunka kadhaca isagaana leh awooda kama dambaysta ah.

    nimanka bloggan usamaystay inay dadka caqiidadooda haleeyaan ama dhaawacaan waxaan idiin sheegayaa inaaad kafiirsataan xumaataad faafinaysaan ilaahna waxba lama aha idiin idinka qabto umada shartiina lkn waa idiin seeta dheereenayaa maalintii uu idin qabtana waa maalin halaagiina uu yimid shaydaanka aad caabudaysaana uusan waxba idiinka dafcinayn maalintaas

    ReplyDelete
  5. Quraanka waa been cad oo maxamed soo aliftay oo dadka uu ku siray. diinta beenta ah ee islaam waa mid aad u xun.

    ReplyDelete
  6. su,aalaha aa meesha kuso qortay dhamaantood diintanta islaamka jawaab wee kaa siin kartaa ha u maleyn dadka oo dhan sidada oo kale oo aqoon daro heyso ee wax fiican oo la sheego la imaw

    ReplyDelete
  7. waar kan yaa umada ka qabta waxyaalo aaanay dadka masaakiinta ah ka jawaabi karin ayuu weydiinayaa orod uu utag dadaka aqoonta leh ama culimada si laguu arko ka dibna laguula eego markaana lagu arko heerka aqoontaada wxn hubaa inaadan aheyn soomaali dhab ah wxn naga ilaali hadii hadalkaada loo fiirsadu wxd noqonaysaa jaahil cad way kaa muuqataa

    ReplyDelete
  8. Cawaanka waxas soo xarxariiqay
    Ilahay kuma baahna adaa u baahan
    Intuu ku abuuray caqli kugu filan kusiiyey
    Markasad
    Allahi ku abuuray iyo rasuulkisa aflagadaynaysaa

    Mohames sc carab ahaa carabi ku hadlaa
    Adan cs afafka dhan labaray iyo koonkan marka la abuuray qurankayna ku taal

    Indha beelka jooji adeer
    Reer bani isreal arabi biyey yaqaneen
    Nebiyada ugu badan ee ilahay iyagay ka soo bexeen

    Xoolatahay camada wax u yeeri uun

    ReplyDelete
  9. Mohamed scw kaagama baahna wax aman ah
    Rabi karameyey
    Haku xiiqin

    ReplyDelete
  10. Dadka noocisa aduunka waxa logayaqaan

    Agnosticism waa diinlawayaal
    Laakin ilaah inuu jiro aminsan

    Waxajira iyagana
    atheist oo ah diin iyo ilaah toona aminsanayn oo aaminsan saynisyahan aduunka maba aminsana hebel waxas ikhtiracay kuleyihn

    Lkn qoloda ninkaan ilahay ku dhegen diintana ikirin yahay

    Waa mid heerkeedu dhintay taasay kasiilidataa

    Wana
    Agnosticism is the view that the existence of God, of the divine or the
    The existence and nature of God is a subject of which I can discuss only half.

    Somalidan camada ah xitaa hadanad wax aqoon qofkan kula doodaya muuxu aminsanyahay ayaa ka horaysa

    Ninkana yaanu idiin dhuumane ilahay unoqda oodaya jaanraaca

    ReplyDelete
  11. Waa yaab waana fikir daciif ah maxaa yeelay suubanaheena illaah noosoo diray tusaale sidee ayuu ufakirikaraa kitaabkaan quraankaa maskax bini aadam ma fakiri karto ee diin laawe umaleyn maayo iney xaaladaada caadi tahay malaa waa lagu jiiray xaga caqliga

    ReplyDelete
  12. Sax lkn runtu waa masiixi qofkii rumeeyay waa badbaadayo
    Mohamed waxaa uu ahaa nin xariif ah runtii samayn badan aduunkaga tegay

    ReplyDelete
  13. Mala socotaa islaamku inuu yahay diinta ugu kobaca badan marka la eego diimaha nin faqiir ahaa agoon ahaa noolaa qarnigii todobaad sidee ilaa hada beentii uu aas aasay u waartay oo uga ifaysaa dunida sida ilayskii oo kale taasi waxay daliil utahay inuusan maxamed diinta asigu wadan ee awood kaweyn jirtey awoodaas oo ilaa hadda kadhigtey diinta ugu faafida badan sidoo kalena lasaadaaliyey iney noqon doonto diinta kowaad eedadka ugu badan raaci donovan marka lagaaro 2070 hadiiba aaney kasoo dhowaan 2070 hadaba diinta ilaa hadda leh awoodaas ka balaaran awoodii aylehayd markii uu maxamed noolaa yaawaaye cidan diinta islaamka dadka kuqasbaysa jawaabtu waxay tahay iney dadku kugelayaan islaamka ayagoo xor ah si ay uga xoroobaan adoomaha

    ReplyDelete
  14. War kani waa beenaale😁🤣April 8, 2020 at 6:52 PM

    Diin laawe . Ayaad tahay somali aan aan aqoon lahayn ayaad war been ah u soo tabinaysaa. War nacasyow culimada l adood haddii aad suaal qabtid lkn dadka maatadaa ha waalin.

    ReplyDelete
  15. adiga ayaaba ciid ka sameysan fiiri waxa aad cuneyso dhulka ayuu ka soo baxaa xeywaanada aad hilibkooda cuntane cows ciid ku baxay ayay soo daaqeen dawooyinka aad cuneyso asalkooda waa dhir dhulka ka baxday waaba adigoo ciid cunay oo kale maanta ciida waan ka faane iyada ayaana laguu aasayaa jciid ayaana u noqonee jirkaa iyo lafaaha asalkooda ayaaba ciid ahaa iyada ayaana laga soo bixinayaa qiyaamaha sida roobku uu dhulka dhintay oo roob la aan ahaa sanado ma⁵rkuu ku da o uu uu u noolaado ayaana laguu soo bixin doonaa منها خلقناكم وفيها نعيدكم ومنها نخرجكم تارة اخري
    waaba lagu xisaabin doonaa waana leys abaal marin doonaa waqtigaasفمن زحزح عن النار وادخل الجنة فقد فاز وما الحياة الدنيا الا متاع الغرور ruuxii laga dheereeyo naarta xageeda oo jannada la galiyaa waa liibaanay aduun yaduna waa raaxo ky kadineyso waxaa laga yabaa adiga oo howshaada haysta in geeridadii la soo sheego goor aad dhimaneysid lama ogee towbada afkada ku hay sababtoo ehالتاءب من الذنب كمن لا ذنب له
    ruuxii ilaah danbigiisa uga towbad keenaa waaba isga oo dinbi galin oo kale macnaha waa loo dhaafaa

    ReplyDelete
  16. ilaahay waa kan soo diray rususha mid walboo ka mid ah dadka wuxuu ugu yeeri jiray waxdaaniyada ilahay kii beeniyo waala halaagi jiray ilaa uu soo diray nabi muxamed.c.s.w
    Waxaa ku aaminee inuu rasuul yahay waxaa ku bishaareeyay rusushii ka horeysay markii la soo diray qaar badan oo masiixi ahaa ayaa dionta soo galay waxaa ka mid ahaa boqorkii xabashida oo nin diinta nabi ciise aad u yaqaanay ayuu ahaa waxaa kaloo u qiray qaar ka mid ah yahuudii daganeyd madiina oo sifaatkiisa halhal u hayay waxaa ka soo islaamay cabdulàahi ibnu salaam iyo asxabtiisa markuu soo islaamayay wuxuu ku yiri yahuuda xaxa aan ahay warso markaasuu nabigu isugu yeeray yahuudi markaasu ku dhahay ninkaan maxaa ku taqaaneyn markaasuu waxay ku fhahayn waa nin wanaagsañ oo uu dhalay nin wanaagsan markaasuu cabdulaahi oo kamidahaa madaxdii yahuida uu ku yiri waan islaamay markaasey ku dhaheen nin wanàagsan ma ahan sababta ay u diidanaayen waxay aheyd nabiga la sugaayay oo nabi muxamed ah waxay rajeynayeen in uu ka soo baxo yahuida laaakiin ilaah carab ayuu ka soo saaray matkas dhaheen waxaan goaansanay in aan la cadaawoono waxay ogaayeen inuu qerybar qabsan doono oo ay yahuudu dagneyd wuuna la wareegay
    Midda kale dadkii magaalada madiina dagana carabta waxay ahaayeen ows iyo qasraj 100sano kabadan ayay is dilaayeen waxa islaamnimada ay ugu midoobeen waxay ahaayeen waxaa la daganaa yahuid sadex qabiil eh waa banuu qureyda banuu qeynucaaq iyo abuu nadira waxay ka maqli jiree nabiga imaan doona sifaadkii iyo in ay rumeynayaan ayay yahuuda ka maqli jireen marakay yahuuda dgaal galeyso waxay dhihi jirtau ilaahow noo gargaar waxaan rumeyneynaa nabi muxamed carabtu meelwabo ay joogto xaramka ayay u soo xaji jireen ayagoo sanabyo ku caabudaayo markay arkeen reer madiina sifaadkii tahuuda ay ka maqli jireen way islaameen nabi muxamedne wayba soo wateen mafiino ayuu u soo haajiray reer mako wax ahlu kitaab daris lama ahayn sas ayaa islaamnimada looga hor naray
    Midda kale waxaa jiray kuwo masiixi oo daganaa wadada loo naro shaam nin baadari ah ayaa arkay nabi muxamed oo aad wili ka soo dirin adeerkiis ayuu la socday waxayna u socdeen shaam ni kaas raahibka ah ayaa adeerkiis u sheegay in ni kaan uu yahay nabigii lagu bishaareyay ee la noqo ayuu ku dhahay sidaas ayuu la soo noqday
    Waxaa kaloo rumeeyay dhaman nasaaradii nakraan oo masiiyiinta ahyeen markii ay arkeen inuu yahay nabigii lagu bishaareeyay
    Midda kale ilaah wuxuu soo raa siyay kitaab quraanka ah oo ka haflaya ilaa nabi aadam laga soo bilaabo ilaa qiyaamu saca wax badaleed ku sametn kara majiro ilaah ayaa xifdiyay
    Marka waxa tilmaamaayo way badnaayeen garabkiisa waa ku yaalay qaatamkii nabinimada yahuuda ayaa ka giirìyay wayna ky arkeen marka intii uu wax sheegay uu sidi uu u sheegay tiro maleh adaga oo magaalada madiino lagu heerarsan yahay oo gaaloo dhan isbaheysatay oo uu qodaayay qaddaqii dhagaxii la jabineaayi asaga ayaa jabinaayay markaasuu wuxuu dhahay waxaan uga jeedaa sarihii shaam iyo kuwii furus kyligoodne waqtigii cumar ayaa la furtay asaga oo lagu hareerrysan yahay ayuu shergay waan tirinaa hadaan dhoho sanooyon ayay qaadanee
    Marka nabi nimadiisa wax muran ka taagan yahay ma ahan waa ninka kaliya taariiqdiisa laga bilaabo dhalashadiisa ilaa uu ka geeriyoodo la hayo wxaa la hayaa qaabkii uu u labisan jiray waxa la haayaa qaabkii uu ilaahay u abuuray oo faahfaasan waxaa la hayaa dabeecadihii dhaqankiisii ilaa 500kun oo qof ka badan ayaa soo warineysa nin caalamka saas u soo dhawaan karo

    ReplyDelete
  17. https://www.facebook.com/102219241933407/videos/322814776026874/?d=null&vh=e

    ReplyDelete
  18. hadii wax la alifan karo ay yihiin
    maxaa adiga u hindisi weyday
    dunida dadku
    waa islaam iyo gaalo
    u fiirso
    dadka wax walba
    ay sameeyaaan
    waa wax laga gudbo
    oo duug noqdo
    tusaale sennis yahanadii hore
    waxay ku dhaqmayeen waa laga gud bay
    iska dhaafee 50sano
    ka hor wixii lagu dhaqmi jiray waaa laga gudbay
    xataa manhajka iskuulada sanad walba wax ka badal baa lagu sameeyaa
    dastuurka wadan dagsadaa
    maalin walba wax ka badal baa lagu sameeyaa
    waadna ogtahay quraanka 1400sano ka hor buu soo dagay
    114 suurad waaye maalin walba iyo sanad walba ayuu waxa uu faray
    lagu dhaqma
    ilaa qiyaamu saacane was lagu dhaqmi doonaa
    quraanka wuxuu ka hadlaa
    wixii la soo dhaafay
    ila qiyaamu saacah buu ka hadlaa
    wixii dhici doono
    qof walba oo Muslim ah
    maalin walba buu aqriyaa
    firfircooni loo ka sii qaaday
    waa nuur
    muslimiinta way isku daweeyaan
    wayna ku dhaqmaan
    waxa uu farayne waa wax dadka.waqti walba joogo dantooda aduun iyo mid aaqiraba ay ku jirto
    u fiirso hada maanta
    journal aad loo xiiseynaayo
    soo iibsato oo hal mar aqrisato
    mar labada waxaad leedahay
    waan aqristay
    qashing qubka baana ku tuurè

    hadaa adiga murtad noqota
    y oo lagu siray
    kuwa horumarka sheegta
    ee yurub iyo mareykan
    baa maalin walba soo islaama
    waa ilaah mahadii 4ta wadan ee caalamka ugu muslimiinta badan
    waa wadamo aan carab ahayn
    marka hadaa lunto
    nafsadaada baa lumisa
    y hadaa hanuuntane nafsadaada baa hanuunisay
    ee SaaS ogow

    ReplyDelete