Thursday, May 13, 2010

ilaaha maxamad waa ilaah noocee ah?

Qoraalkaan waxaan ku eegeynaa ilaaha wakiilka la dhaho maxamad soo dirsaday iyo in uu yahay ilaaha runta ah iyo in uu yahay ilaah maxamad ku qaraabto.

1. Naxariista ilaaha maxamad wakiilka u yahay

Maxamad quraankiisa wuxuu noogu sheegay in ilaahey uu wax walbo og yahay oo yahay ilaah naxariis badan oo cadaalad ah. Maxamad ma run buu ka sheegay?

Marka ugu horeysa ilaaha maxamad waa mid ogaa in uu cadaabi doono dadka asagoo aan abuurin dadka. Markaas ayuu suubistay cadaab asagoo ugu talagalay in uu dadka uu abuuridoono uu ku cadaabo cadaabtaas. ilaahaas ma ilaah cadaalad ah baa maadaama uu ogaa in uu cadaabi doono dadka.

"Waxaan u abuuray Jahannamo(cadaabta) wax badan oo jinni iyo insiba leh, waxayna leeyihiin quluub ayna wax ku kasayn, waxayna leyihiin indho ayna wax ku arkayn, waxayna leeyihiin dhago ayna wax ku maqlayn, kuwaasina waa xoolo oo kale. waana ka sii dhunsanyihiin, kuwaasina waa uun kuwa halmaansan." - waa aayada 179 ee suurata 7 (suurat al-acraaf)

"Hadaad ku dadaashid hanuunkooda Eebe ma hanuuniyo cidduu dhumiyay mana helaan gargaare." - waa aayayada 37 ee suurata 16 (suurat An-naxl)

"kuwii gaaloobay waxaa isugumid ah udigtayaa iyo umaadan diginaa mana rumeeyaan (xaqa). - waa aayada 6 ee suurada 2 (suurat Al-baqarah)

"Eebaa daabacay quluubtooda iyo maqalkooda. aragoodana wuxuu yeeley dabool waxaana u sugnaaday cadab weyn." - waa aayada 7 ee suurada 2 (suurat Al-baqarah)

ilaahaas oo ogaa in uu dadka cadaabi doono ma ilaah naxariis leh baa? Adiga hadii aad ogaan laheyn in qof tabar yar wadada yaala uu baabuur jiiri doono labo saac kadib waad ka badbaadin kartaa qofkaas in uu baabuur jiiro sababtoo ah waxaad og tahay hadii aad wadada ka qaadid qofkaas in uu baabuurka jiiri doonin hadii aad tahay qof naxariis leh. ilaaha maxamad dadka ma badbaadiyo sababtoo ah waa ilaah aan naxariis laheyn. Anagoo u jeedna naxariisdarada ilaaha maxamad, sidee buu maxamad noogu sheegi karaa ilaahey wuu naxariistaa? ilaahey ma labo wajiile baa?

2. Dabeecada iyo camalka ilaaha maxamad wakiilka u yahay

Maxamad wuxuu quraankiisa noogu sheegay in ilaahey uu yahay ilaah aad iyo aad u awood badan oo wax walba og. Wuxuu yiri ilaahey waa ilaah bini aadanka ka sareeya. Maadaama uu ilaahey bini aadanka ka fiican yahay waa sidee dabeecada ilaahey?

Ilaaha maxamad waa ilaah dabeecad xun oo xanaaq badan oo aad iyo aad u carooda sida bini'aadankii oo kale. ilaaha maxamad waa ilaah aan aad u caqli badneyn oo dadkuu abuurtay ayaa ka xanaajiya. ilaaha maxamad asaga oo ogaa in ay dadka ka xanaajin doonaan ayuu hadana xanaaqayaa. ilaaha maxamad sida bini'aadanka ayuu u xisaabtamaa oo iskama weyneysiiyo dadka uu abuurtay oo wuu ka aarsadaa markey ka xanaajiyaan. Quraanka ayuu maxamad noogu sheegayaa in uu ilaahey xanaaqo, aayadahaan hoose fiiri:

"markey nacara galiyeenna waan ka aarsanay xaggooda, waana maanshaynay dhamaan. - waa aayada 55 ee suurada 43 (suurat Az-zukhruf)

"saas waxaa ugu wacan inay raaceen kuwaasi wax Eebe ka caroodo, neceenna raalli ahaanshihiisa, markaasuu buriyay camalkoodii." - waa aayada 28 ee suurada 47 (suurat Muxammad)

Ilaahey haduu ogaa in ay dadka ka xanaajin doonaan muxuu ilaahey u xanaaqayaa? ilaahey ma isfiilito miyuu qabaa mase caqli la'aan ayaa heysa? ilaahaas soo maahan ilaah u dhaqma sida bini'aadanka oo kale maadaama ay dadka ka xanaajin karaan ilaahaas awooda badan? ilaahey wuu awood badan yahay iyo dadka ayaa ka xanaajiya wax isku meel gali kara maahan. Sidee dadka oo tabaryar aga xanaajinkaraan ilaahaas awooda badan? Maxamad ilaahey wuxuu ka dhigay sidii bini'aadankii oo kale oo wuxuu ka dhigay ilaah camal xun. Ilaaha runta ah maahan sida maxamad noo sheegay. Quraanka waa hadalkii maxamad ee maahan hadalka ilaahey.


3. ilaaha maxamad raga ayuu u eexdaa oo dumarka wuu yasaa

Ilaaha maxamad waa mid aad iyo aad ugu daran dumarka oo raga ayuu ka jecelyahay dumarka.

Aayadaan hoose waxey amreysaa raga in ay dumarkooda khaldama in ay guriga ku xiraan ilaa ay ka dhimaneyso.

"dumarka sineysta oo laqabo ku haya guridooda ilaa ay ka dhintaan" - waa yaadada 15 ee suurada 4.

ilaaha maxamad raga dhaxalkooda wuxuu ka dhigay labo jibaar markii loo eego dhaxalka dumarka. ilaaha maxamad ma oga miyaa in dumarka ay masaakiin yihiin oo raga ka xoog badan yahay? Hadii aabaha ama hooyada caruurta uu dhinto oo uu ka tago boqol doolar, gabadha waxey heleysaa 33 doolar wiilkana wuxuu helayaa 66 doolar oo dhaxal ah. cadaalad xumadaas bal u fiirso. Aayada dhaxalka raga iyo dumarka ka hadleysa waa aayada 11 ee ku jirta suurada 4 .
  • Aayadaan waxey amreysaa in ninka uusan si cadaalad ah ula dhaqmi karin naagihiisa, waa aayada 129 ee suurada 4.
  • ninka xaq wuxuu u leeyahay dhaxal u dhigma labo haween dhaxalkooda. Raga iyo haweenka ma sinna. waxaa sidaas leh aayada 176 ee suurada 4
  • Naagta ma furi karto ninkeeda laakiin, ninka naagtiisa wuu furi karaa markuu doono
  • quraanka wuxuu leeyahay, nibanka ayaa maamula dumarka oo nibanka way edbin karaan oo garaaci karaan naagahooda. waxaa sidaa leh aayada 34 ee suurada 4
  • naagaha ma guursan karaan nin aan muslim aheyn, laakiin nibanka way guursan karaan naag aan muslim ahayn.
  • naagaha safar kaligood ma aadi karaan ilaa uu ninkooda ama nin ehelkooda ah la socdo mooyee
  • Hal naag markhaati ma gali karto ayuu leeyahay quraanka oo markhaatiga labo naag ayaa u dhigma hal nin markhaatigiis markii maxkamad la joogo
ilaaha maxamad waa ilaah jecel raga oo haweenka uma jecla sida uu raga u jecel yahay. ilaaha maxamad waa ilaah leh dhaqankii carabta ee wagii hore. ilaaha maxamad hooyooyinka iyo walaalayaasheen wuxuu uga eexday raga. ilahaas ma ilaah cadaalad ah baa?

4. ilaaha maxamad dadka ayuu isku diraa oo wuu kala qeybiyaa

maxamad wuxu quraanka noogu sheegay in ilaahey uusan rabin in uu dadka mideeyo oo hal diin yeeshaan. ilaaha maxamad waa mid raba in uu dadka kala qeybiyo si ay isku dagaalaan. Aayadaan hoose fiiri:

"Hadduu doono Eebe wuxuu ka yeeli lahaa dadka umad kaliya, laakiin wuxuu galiyaa cidduu doono naxariistiisa, daalimiintuna ma helaan sokeeye iyo gargaare midna." - Waa aayada 8 ee suurada 42 (suurat Ash-shuuraa)

"Hadduu doono Eebe wuxuu idinka yeeli lahaa umad kaliya wuxuuse dhumiyaa cidduu doono, wuuna hanuuniyaa cidduu doono, waana laydin warsan waxaad camal falayseen." - waa aayada 93 ee suurata 16 (suurat An-naxal)

Bal u fiirso caqli xumada aayadaan kor ku qoran. Aayadaan waxey leedahay ilaahey ayaa dhumiya dadka, waxey kale oo leedahay waa laydan warsan waxaad camal faleyseen. ilaaha intuu dhumiyo dadka hadana ku cadaabaya waxa ay camal falayeen soo maaha ilaah aan caqli laheyn sababtoo ah wuxuu leeyahay dadka ayaan dhumiyaa kadibna waxaan weydiiya waxey ii caabudi waayeen.

5. ilaahey wakiil ka socda oo carabi ku hadla miyuu u baahan yahay?


"Hadaan kayeelo kitaabka quraanka luuqad ajanabi ah waxay dhihi lahaayeen maxaa loo caddayn waayey aayaadkiisa, ma (quraan) ajanabi ah iyo Nabi (carabi ah), waxaad dhahdaa isagu kuwa rumeeyey wuxuu u yahay hanuun iyo caafimaad, kuwa aan rumeynina dhagahooda waxaa ah culays, waana ka indha la' yihiin kuwaasna waxaa looga yeeri meel fog." - Waa aayada 44 ee suurada 41

"Annagaana soo dejinay isagoo quraan carabi ah inaad kastaan" - Waa aayada 2 ee suurada 12 (suurat Yuusuf)

"Annagaa ka yeelnay quraan carabi ku soo dagay, inaad kastaan darteed." - Waa aayada 3 ee suurada 43 (suurat Az-zukhruf)

"Rasuul kuma dirro waxaan afka qoomkiisa ahayn si uu ugu caddeeyo, wuuna baadiyeeyaa Eebe cidduu doono inta xaqa loo caddeeyey ka dib, wuuna hanuunin cidduu doono, waana adkaade falsan." - Waa aayada 4 ee suurada 14 (suurat Ibraahiim)


Ilaahey hadii uu gumeyste raba in ay dadka caabudaan ahaan lahaa sida maxamad noo sheegay, ilaahey soo ma dirsan laheyn nin wakiil u ah oo carab ah oo af carabi kaliya ku hadla. Aayadaan kore waxay leedahay ilaahey quraanka wuxuu carabi aga dhigay inaad kastaan daraadeed. Maxamad in uu been noosheegayo waxaa lagu garan karaa, aduunka waxaa ka jira lix kun oo luuqadood ( 6,000 ). Maadaama ay dadka aduunka oo dhan aysan carabi ku hadlin, ilaahey ma caqliguu la'ayahay markuu leeyahay curaanka carabi ayaan ku soo dajiyay sidaad u kastaan darteed. Ma dadka oo dhan baa carabi fahmaya mase ilaahey carabta kaliya ayuu u soo dajiyay quraanka? Marka taas micnaheedu waxay tahay ilaahey wuxuu rabaa kaliya in ay carabta caabudaan maadaama ay fahmayaan wakiilkiisa oo ah maxamad iyo uuna aayadaas noogu sheegay in uu quraanka carabi ku soo dajiyay si ay dadka carabta ah u fahmaan quraanka. ilaahey hadii uu rabo in ay dadka oo dhan caabudaan muxuu u soo dirsaday wakiil carabi kaliya ku hadla, muxuuna u leeyahay quraanka waxaan ku soo dajiyay carabi si aad u kastaan daraadeed?

Ma og tahay in nibankaan isku sheega in ay nabi ilaahey soo dirsadey yihiin ay kuligood bariga dhexe (Middle East) kawada yimaadeen? sida nabi ibraahiim, ciise, maxamad iyo nabiyadii kale? Hadii uu ilaahey doonilahaa in ay dadka oo dhan caabudaan muxuu ilaahey nabiyadiisa oo dhan ay bariga dhexe loogu soo diray? Aduunka oo dhan ma bariga dhexe baa mase ilaahey wuxuu jecel yahay dadka bariga dhexe kaliya? Diimaha nabiyada wata oo ah Kirishtaanka, yuhuuda iyo islaamka waxay ka yimaadeen bariga dhexe, taas waxay ku tuseysaa in nibankaan isku sheega in ay yihiin wakiilada alle ay yihiin niban isku dayda oo quraafaad ku qaraabda sababtoo ah ilaahey hadii uu rabo in uu wakiilo soo dirsado kuligood hal gobol kama imaan laheyn hadii loo soo diray dadka dunida ku nool oo dhan.


Qoomkaan maxaa loogu soo diri waayay rasuul afkooda ku hadla?

Cunuga ku dhashay baadiyaha wadanka mareykanka ama jayna ama wadamo kale oo waligiis aan arag diin cid u sheegta oo sidaas ku kora oo sidaas ku dhinta asaga oo aan muslim aheyn, ilaaha ku cadaabaya maxaad muslim u noqon weysay, ilaahaas ma ilaah cadaal ah baa? Bal fiirso sawirkaan dhinaca bidixda yaala, ilaaha dadkaan sawirka ku jira u soo diray wakiil ka socda asaga oo carab ah oo carabi kaliya ku hadla, ma kula tahay in uu yahay ilaah caqli badan? ilaahey hadii uu rabi lahaa in ay dadka oo dhan caabudaan, qalbigooda ayuu ku beeri lahaa ee uma soo diri laheyn nin hal luuqad ku hadla oo carabi ah.






ilaaha runta ah maahan sida maxamad noogu sheegay quraanka ee waa ilaah sidaas ka fiican oo cadaalad ah oo naxariiste ah. Maxamad wuxuu iska dhigayaa in uu yahay wakiil ka socda ilaahey laakiin ilaaha runta ah uma baahna wakiil oo dadka ma gumeysto oo dadka kuma adoonsado in ay asaga caabudaan sababtoo ah waa ilaah aan caabudaad u baahneyn oo cadaalad ah. Quraanka waa erayada maxamad oo waa been cad.

6 comments:

  1. "Maxamad quraankiisa wuxuu noogu sheegay in ilaahey uu wax walbo og yahay oo yahay ilaah naxariis badan oo cadaalad ah."

    Allah waxa uu naxariis leeyahay inta qolyaha kaa danta leh ay dantooda kaa gaarayaan inta kalena waa dhiig, iyo dagaal iyo cabburin. Waxyaalaha wax magaratada loogu calaamadeeyo naxariista Allah waxaa kamida roobka da'a guga oo waxay roob u tukadaan xataa jiilaalka. Aqoontii tusi lahayd in roobku goor u qeexan leeyahay waa ag martay taasina waa ayaandarrada lagu dhaqo danyarta iyo wax magaratada.

    Wadaad ayaa dhawaan igu yiri, "Allah cidna uma baahna ee asagaa ka weyn wax walba. Allah wuu cadaabayaa wixii ku caasiya..." Sidii uu u waday weeraha la wada yaqaan ee dadka lagu cabsi geliyo ayaa waxaan ku iri, "Allah waxaad ka dhigtay madman aad u dabeecad xun," anigoo aan u sheegin in tiraabtiisa oo dhan been ka koobannayd. Wejigiisa ayaa mar isbeddelay, waxa uu se sidii in aan ahayn doqon u beddelay huuhaadii hore oo uu ku doceeyey kolkaas wax uu ugu yeeray "naxariiska Allah" maaddaama cabsidii shaqayn weyday. Waa maskiin Wahaabbiyad lagu maan dulleeyey oo isu haysta in uu dunida oo dhan ka sarreeyo oo uu nasiib u yeeshay dhabta keliya oo jirta Soomaali badanna waa lamid.

    Mahadsanid

    ReplyDelete
  2. Maxamad wuxuu rabay power-ka ama jagada si uu u maamulo dadka oo ay aga dambeeyaan. Maxamad kama duwana nibankii bariga dhexe ka imaan jiray oo isku sheegi jiray in ay ahaayeen nabi oo dhihi jiray waxaan nahay wakiilada alle. Nibankaas waxey sidaas u suubin jireen waa in ay hellaan jago iyo in ay maamulaan dadka oo laga dambeeyo. Masaakiin aan caqligooda ka shaqeysiin ayey been ka dhaadhiciyeen.

    Soomaaliyeey maskaxdiina xoreeya

    ReplyDelete
  3. sxb websidekaan link iigu samee websiyada geeska midig kuugu qoran ee free thinkerska ee islaamka diinta maxamed carab beenaale ka xuroobay iigu link garee, sidoo kale hal maqaal aad adiga qortey ayaan kaa deeynsadey kuna qorey websikeeyga cusub, mahadsanid

    ReplyDelete
  4. adigaan diiinta ka dhacey oo bilaa diin ah cid naarta kula gashaa rabtaa lkn heli meysid waxaas oo been ah iyo quaafad ahna sheydadanka baa kugu qasbaya diintani waa din dhameys tiran bal tan hindusmka iyo budhismka iyo christanka maad wax ka qortid oo aragtid waxa ku jira been.waxaana hubaal ah adigu steven jobs iyo micheal jokson baad taqaanye waana tageen adiguna maalinbaa tagi doontaa waxii aad sahey u qadan laheyd sameyso hadeer.

    ReplyDelete
  5. ninka la baxay maskaxda xoree waxaa iga su aal ah muxuu ka yaqaanaa diinta, ileyn quraankan ilaah wuxuu ku soo dajiyay afcarabi uu ilaah sheegay in aysan soo dajin shayaadhiin, taariikhdana waxay tuseydaa oo ilaah loogu mahdinaa in Nabi Maxamed csw uu ahaa nabi aan wax qori karin waxna aqrin karin oo shaqeysto ari raaco, dadkii markaas joogayna waxay u yaqaaneen Maxamed amiin, oo waxay ku aamini jireen intaan lagu soo dajin waxyiga wax walba oo wuxuu u sheego waligood mabeenin oo markey is qabsadaan ayuu dhax dhaxaadin jiray, oo wuxuu ahaa ninka loogu jecel yahay qabiilkiisa banii haashim intaan lagu soo dajin waxyiga, markii wax yiga lagu soo dajiyay na way raacdeeyeen, oo la dagaaleen kahore intey la dagaalin waxay ula yimideen inay ku daraayaan gabadha gabar ugu qurux badan, xoolo kan ugu xoola badana ka dhigaayaan, boqornimana ay u caleemo saaraayaan, intaas markey yiraah deen buu quraan ku aqriyay, kadibna waxaa ka kala cararay Gaaladii oo dhan oo ugu horeeyaan abuu jahal iyo abuu lahab, si kasto oo ruux uu uga hore yimaado quraankaan masoo heli doono wax is burin ah laakiin ruux bey si la noqon kartaa haddii uu doono inuu fahmona waa la fahan siin karaa sida ninka labaxay Maskaxda xoree yuu ka xoreynaa yuuna u xoreynaa? ma wuxuu ula jeedaa halaga tago diinta dhabta ah oo ha la aado diin la aan? ama wuxu ual jeedaa asaga waa nin maskax badan. makafakaray in ilaah lee yahay cilmigiisa haddii geedaha oo dhan qalin laga dhigo oo badaha oo dhana qad laga dhigo oo cilmiga alle lagu qori maago ay badaha dhamaanaayaan intaan cilmiga alle dhamaanin. waxaan ku soo gaba gabeynaa quraankaan waxaa ka daalay niman adiga kaa caqli badan oo kaa lacag badan oo kaa naceeb badan diinta is laamka ilaahna ku caajis galiyay inay soo saaraan hal aayad oo quraanka oo kale ah wax ba ha dhihin wuu iska hor imaanaa ee waxaad keentaa hal aayad oo quraanka ookale ah. mana keeni doonti ee naarka baq oo qoryaheeda yihiin dad iyo dhagxaan.

    ReplyDelete
  6. Dhagaad leedahy mamaqleysid hada adiga indhaad leedahay ma arkeysid waayo waxkalaa kuu hilaacaayo waana calaamatu sheydaan

    ReplyDelete