Thursday, May 13, 2010

ilaaha maxamad waa ilaah noocee ah?

Qoraalkaan waxaan ku eegeynaa ilaaha wakiilka la dhaho maxamad soo dirsaday iyo in uu yahay ilaaha runta ah iyo in uu yahay ilaah maxamad ku qaraabto.

1. Naxariista ilaaha maxamad wakiilka u yahay

Maxamad quraankiisa wuxuu noogu sheegay in ilaahey uu wax walbo og yahay oo yahay ilaah naxariis badan oo cadaalad ah. Maxamad ma run buu ka sheegay?

Marka ugu horeysa ilaaha maxamad waa mid ogaa in uu cadaabi doono dadka asagoo aan abuurin dadka. Markaas ayuu suubistay cadaab asagoo ugu talagalay in uu dadka uu abuuridoono uu ku cadaabo cadaabtaas. ilaahaas ma ilaah cadaalad ah baa maadaama uu ogaa in uu cadaabi doono dadka.

"Waxaan u abuuray Jahannamo(cadaabta) wax badan oo jinni iyo insiba leh, waxayna leeyihiin quluub ayna wax ku kasayn, waxayna leyihiin indho ayna wax ku arkayn, waxayna leeyihiin dhago ayna wax ku maqlayn, kuwaasina waa xoolo oo kale. waana ka sii dhunsanyihiin, kuwaasina waa uun kuwa halmaansan." - waa aayada 179 ee suurata 7 (suurat al-acraaf)

"Hadaad ku dadaashid hanuunkooda Eebe ma hanuuniyo cidduu dhumiyay mana helaan gargaare." - waa aayayada 37 ee suurata 16 (suurat An-naxl)

"kuwii gaaloobay waxaa isugumid ah udigtayaa iyo umaadan diginaa mana rumeeyaan (xaqa). - waa aayada 6 ee suurada 2 (suurat Al-baqarah)

"Eebaa daabacay quluubtooda iyo maqalkooda. aragoodana wuxuu yeeley dabool waxaana u sugnaaday cadab weyn." - waa aayada 7 ee suurada 2 (suurat Al-baqarah)

ilaahaas oo ogaa in uu dadka cadaabi doono ma ilaah naxariis leh baa? Adiga hadii aad ogaan laheyn in qof tabar yar wadada yaala uu baabuur jiiri doono labo saac kadib waad ka badbaadin kartaa qofkaas in uu baabuur jiiro sababtoo ah waxaad og tahay hadii aad wadada ka qaadid qofkaas in uu baabuurka jiiri doonin hadii aad tahay qof naxariis leh. ilaaha maxamad dadka ma badbaadiyo sababtoo ah waa ilaah aan naxariis laheyn. Anagoo u jeedna naxariisdarada ilaaha maxamad, sidee buu maxamad noogu sheegi karaa ilaahey wuu naxariistaa? ilaahey ma labo wajiile baa?

2. Dabeecada iyo camalka ilaaha maxamad wakiilka u yahay

Maxamad wuxuu quraankiisa noogu sheegay in ilaahey uu yahay ilaah aad iyo aad u awood badan oo wax walba og. Wuxuu yiri ilaahey waa ilaah bini aadanka ka sareeya. Maadaama uu ilaahey bini aadanka ka fiican yahay waa sidee dabeecada ilaahey?

Ilaaha maxamad waa ilaah dabeecad xun oo xanaaq badan oo aad iyo aad u carooda sida bini'aadankii oo kale. ilaaha maxamad waa ilaah aan aad u caqli badneyn oo dadkuu abuurtay ayaa ka xanaajiya. ilaaha maxamad asaga oo ogaa in ay dadka ka xanaajin doonaan ayuu hadana xanaaqayaa. ilaaha maxamad sida bini'aadanka ayuu u xisaabtamaa oo iskama weyneysiiyo dadka uu abuurtay oo wuu ka aarsadaa markey ka xanaajiyaan. Quraanka ayuu maxamad noogu sheegayaa in uu ilaahey xanaaqo, aayadahaan hoose fiiri:

"markey nacara galiyeenna waan ka aarsanay xaggooda, waana maanshaynay dhamaan. - waa aayada 55 ee suurada 43 (suurat Az-zukhruf)

"saas waxaa ugu wacan inay raaceen kuwaasi wax Eebe ka caroodo, neceenna raalli ahaanshihiisa, markaasuu buriyay camalkoodii." - waa aayada 28 ee suurada 47 (suurat Muxammad)

Ilaahey haduu ogaa in ay dadka ka xanaajin doonaan muxuu ilaahey u xanaaqayaa? ilaahey ma isfiilito miyuu qabaa mase caqli la'aan ayaa heysa? ilaahaas soo maahan ilaah u dhaqma sida bini'aadanka oo kale maadaama ay dadka ka xanaajin karaan ilaahaas awooda badan? ilaahey wuu awood badan yahay iyo dadka ayaa ka xanaajiya wax isku meel gali kara maahan. Sidee dadka oo tabaryar aga xanaajinkaraan ilaahaas awooda badan? Maxamad ilaahey wuxuu ka dhigay sidii bini'aadankii oo kale oo wuxuu ka dhigay ilaah camal xun. Ilaaha runta ah maahan sida maxamad noo sheegay. Quraanka waa hadalkii maxamad ee maahan hadalka ilaahey.


3. ilaaha maxamad raga ayuu u eexdaa oo dumarka wuu yasaa

Ilaaha maxamad waa mid aad iyo aad ugu daran dumarka oo raga ayuu ka jecelyahay dumarka.

Aayadaan hoose waxey amreysaa raga in ay dumarkooda khaldama in ay guriga ku xiraan ilaa ay ka dhimaneyso.

"dumarka sineysta oo laqabo ku haya guridooda ilaa ay ka dhintaan" - waa yaadada 15 ee suurada 4.

ilaaha maxamad raga dhaxalkooda wuxuu ka dhigay labo jibaar markii loo eego dhaxalka dumarka. ilaaha maxamad ma oga miyaa in dumarka ay masaakiin yihiin oo raga ka xoog badan yahay? Hadii aabaha ama hooyada caruurta uu dhinto oo uu ka tago boqol doolar, gabadha waxey heleysaa 33 doolar wiilkana wuxuu helayaa 66 doolar oo dhaxal ah. cadaalad xumadaas bal u fiirso. Aayada dhaxalka raga iyo dumarka ka hadleysa waa aayada 11 ee ku jirta suurada 4 .
  • Aayadaan waxey amreysaa in ninka uusan si cadaalad ah ula dhaqmi karin naagihiisa, waa aayada 129 ee suurada 4.
  • ninka xaq wuxuu u leeyahay dhaxal u dhigma labo haween dhaxalkooda. Raga iyo haweenka ma sinna. waxaa sidaas leh aayada 176 ee suurada 4
  • Naagta ma furi karto ninkeeda laakiin, ninka naagtiisa wuu furi karaa markuu doono
  • quraanka wuxuu leeyahay, nibanka ayaa maamula dumarka oo nibanka way edbin karaan oo garaaci karaan naagahooda. waxaa sidaa leh aayada 34 ee suurada 4
  • naagaha ma guursan karaan nin aan muslim aheyn, laakiin nibanka way guursan karaan naag aan muslim ahayn.
  • naagaha safar kaligood ma aadi karaan ilaa uu ninkooda ama nin ehelkooda ah la socdo mooyee
  • Hal naag markhaati ma gali karto ayuu leeyahay quraanka oo markhaatiga labo naag ayaa u dhigma hal nin markhaatigiis markii maxkamad la joogo
ilaaha maxamad waa ilaah jecel raga oo haweenka uma jecla sida uu raga u jecel yahay. ilaaha maxamad waa ilaah leh dhaqankii carabta ee wagii hore. ilaaha maxamad hooyooyinka iyo walaalayaasheen wuxuu uga eexday raga. ilahaas ma ilaah cadaalad ah baa?

4. ilaaha maxamad dadka ayuu isku diraa oo wuu kala qeybiyaa

maxamad wuxu quraanka noogu sheegay in ilaahey uusan rabin in uu dadka mideeyo oo hal diin yeeshaan. ilaaha maxamad waa mid raba in uu dadka kala qeybiyo si ay isku dagaalaan. Aayadaan hoose fiiri:

"Hadduu doono Eebe wuxuu ka yeeli lahaa dadka umad kaliya, laakiin wuxuu galiyaa cidduu doono naxariistiisa, daalimiintuna ma helaan sokeeye iyo gargaare midna." - Waa aayada 8 ee suurada 42 (suurat Ash-shuuraa)

"Hadduu doono Eebe wuxuu idinka yeeli lahaa umad kaliya wuxuuse dhumiyaa cidduu doono, wuuna hanuuniyaa cidduu doono, waana laydin warsan waxaad camal falayseen." - waa aayada 93 ee suurata 16 (suurat An-naxal)

Bal u fiirso caqli xumada aayadaan kor ku qoran. Aayadaan waxey leedahay ilaahey ayaa dhumiya dadka, waxey kale oo leedahay waa laydan warsan waxaad camal faleyseen. ilaaha intuu dhumiyo dadka hadana ku cadaabaya waxa ay camal falayeen soo maaha ilaah aan caqli laheyn sababtoo ah wuxuu leeyahay dadka ayaan dhumiyaa kadibna waxaan weydiiya waxey ii caabudi waayeen.

5. ilaahey wakiil ka socda oo carabi ku hadla miyuu u baahan yahay?


"Hadaan kayeelo kitaabka quraanka luuqad ajanabi ah waxay dhihi lahaayeen maxaa loo caddayn waayey aayaadkiisa, ma (quraan) ajanabi ah iyo Nabi (carabi ah), waxaad dhahdaa isagu kuwa rumeeyey wuxuu u yahay hanuun iyo caafimaad, kuwa aan rumeynina dhagahooda waxaa ah culays, waana ka indha la' yihiin kuwaasna waxaa looga yeeri meel fog." - Waa aayada 44 ee suurada 41

"Annagaana soo dejinay isagoo quraan carabi ah inaad kastaan" - Waa aayada 2 ee suurada 12 (suurat Yuusuf)

"Annagaa ka yeelnay quraan carabi ku soo dagay, inaad kastaan darteed." - Waa aayada 3 ee suurada 43 (suurat Az-zukhruf)

"Rasuul kuma dirro waxaan afka qoomkiisa ahayn si uu ugu caddeeyo, wuuna baadiyeeyaa Eebe cidduu doono inta xaqa loo caddeeyey ka dib, wuuna hanuunin cidduu doono, waana adkaade falsan." - Waa aayada 4 ee suurada 14 (suurat Ibraahiim)


Ilaahey hadii uu gumeyste raba in ay dadka caabudaan ahaan lahaa sida maxamad noo sheegay, ilaahey soo ma dirsan laheyn nin wakiil u ah oo carab ah oo af carabi kaliya ku hadla. Aayadaan kore waxay leedahay ilaahey quraanka wuxuu carabi aga dhigay inaad kastaan daraadeed. Maxamad in uu been noosheegayo waxaa lagu garan karaa, aduunka waxaa ka jira lix kun oo luuqadood ( 6,000 ). Maadaama ay dadka aduunka oo dhan aysan carabi ku hadlin, ilaahey ma caqliguu la'ayahay markuu leeyahay curaanka carabi ayaan ku soo dajiyay sidaad u kastaan darteed. Ma dadka oo dhan baa carabi fahmaya mase ilaahey carabta kaliya ayuu u soo dajiyay quraanka? Marka taas micnaheedu waxay tahay ilaahey wuxuu rabaa kaliya in ay carabta caabudaan maadaama ay fahmayaan wakiilkiisa oo ah maxamad iyo uuna aayadaas noogu sheegay in uu quraanka carabi ku soo dajiyay si ay dadka carabta ah u fahmaan quraanka. ilaahey hadii uu rabo in ay dadka oo dhan caabudaan muxuu u soo dirsaday wakiil carabi kaliya ku hadla, muxuuna u leeyahay quraanka waxaan ku soo dajiyay carabi si aad u kastaan daraadeed?

Ma og tahay in nibankaan isku sheega in ay nabi ilaahey soo dirsadey yihiin ay kuligood bariga dhexe (Middle East) kawada yimaadeen? sida nabi ibraahiim, ciise, maxamad iyo nabiyadii kale? Hadii uu ilaahey doonilahaa in ay dadka oo dhan caabudaan muxuu ilaahey nabiyadiisa oo dhan ay bariga dhexe loogu soo diray? Aduunka oo dhan ma bariga dhexe baa mase ilaahey wuxuu jecel yahay dadka bariga dhexe kaliya? Diimaha nabiyada wata oo ah Kirishtaanka, yuhuuda iyo islaamka waxay ka yimaadeen bariga dhexe, taas waxay ku tuseysaa in nibankaan isku sheega in ay yihiin wakiilada alle ay yihiin niban isku dayda oo quraafaad ku qaraabda sababtoo ah ilaahey hadii uu rabo in uu wakiilo soo dirsado kuligood hal gobol kama imaan laheyn hadii loo soo diray dadka dunida ku nool oo dhan.


Qoomkaan maxaa loogu soo diri waayay rasuul afkooda ku hadla?

Cunuga ku dhashay baadiyaha wadanka mareykanka ama jayna ama wadamo kale oo waligiis aan arag diin cid u sheegta oo sidaas ku kora oo sidaas ku dhinta asaga oo aan muslim aheyn, ilaaha ku cadaabaya maxaad muslim u noqon weysay, ilaahaas ma ilaah cadaal ah baa? Bal fiirso sawirkaan dhinaca bidixda yaala, ilaaha dadkaan sawirka ku jira u soo diray wakiil ka socda asaga oo carab ah oo carabi kaliya ku hadla, ma kula tahay in uu yahay ilaah caqli badan? ilaahey hadii uu rabi lahaa in ay dadka oo dhan caabudaan, qalbigooda ayuu ku beeri lahaa ee uma soo diri laheyn nin hal luuqad ku hadla oo carabi ah.






ilaaha runta ah maahan sida maxamad noogu sheegay quraanka ee waa ilaah sidaas ka fiican oo cadaalad ah oo naxariiste ah. Maxamad wuxuu iska dhigayaa in uu yahay wakiil ka socda ilaahey laakiin ilaaha runta ah uma baahna wakiil oo dadka ma gumeysto oo dadka kuma adoonsado in ay asaga caabudaan sababtoo ah waa ilaah aan caabudaad u baahneyn oo cadaalad ah. Quraanka waa erayada maxamad oo waa been cad.

Saturday, May 1, 2010

Nin gacanta laga gooynayo, Hiiraan, Somalia

Daawo maskiinkaan Soomaaliyeed oo xaday labo xabo oo rooti ah oo gacanta laga jarayo.

Monday, April 26, 2010

gaalada yaa gaal ka dhigay? ilaaha maxamad ayaa ka dhigay

Quraanka wuxuu leeyahay ilaahey ayaa dadka gaaleysiiya oo u doorta in ay gaalo noqdaan. Kitaabkaaga lasoo bax oo aayadahaan hoos ku qoran ka fiiri.

"Cidduu Eebe hanuuniyo wuxuu u waasiciyaa laabtiisa islaamka, cidduu doono inuu dhumiyana wuxuu ka yeelaa laabtiisa cidhiidi (dhib) ah sidii isagoo kori samada saasuuna u yeelay Eebe xumaanta korka kuwaan rumaynin xaqa" - waa aayada 125 ee suurata 6 (suurat Al-ancaam)

"Ciddii Eebe hanuuniya umbaa hanuuni, cidduu dhumiyana waa uun kuwa khasaaray." - waa aayada 178 ee suurata 7 (suurat Al-acraaf)

"Cidduu dhumiyo Eebe wax hanuunin ma leh. wuxuuna kaga tegi xad gudubkooda iyagoo ku wareersan." - waa aayada 186 ee suurata 7 (suurat Al-acraaf)

"Hadduu doono Eebe wuxuu idinka yeeli lahaa umad kaliya wuxuuse dhumiyaa cidduu doono, wuuna hanuuniyaa cidduu doono, waana laydin warsan waxaad camal falayseen." - waa aayada 93 ee suurata 16 (suurat An-naxal)

"Hadaad ku dadaashid hanuunkooda Eebe ma hanuuniyo cidduu dhumiyay mana helaan gargaare." - waa aayayada 37 ee suurata 16 (suurat An-naxl)

"Hadduu doono Eebe wuxuu ka yeeli lahaa dadka umad kaliya, laakiin wuxuu galiyaa cidduu doono naxariistiisa, daalimiintuna ma helaan sokeeye iyo gargaare midna." - Waa aayada 8 ee suurada 42 (suurat Ash-shuuraa)

Labadaan aayadood hoos ku qoran waxay leeyihiin ilaahey dadka ma faro xumaan

"Markay falaan xumaanna waxay dhahaan waxaan ka hellay aabayaalkeena Eebaana na faray iyada, waxaad dhahdaa Eebe ma faro xumaan ma waxaad ku dhahaysaan Eebe waxaydaan ogayn?" - waa aayada 28 ee suurada 7 (suurat Al-acraaf)

"Waxaad dhahdaa wuxuu faraa Eebe cadaaladda iyo inaad u jeedisaan wajigiina (xagiisa) masaajidkasta agtiisa, baryana idinkoo u kaliyeeli diinta siduu inku bilaabay yaad ku soo noqonaysaan." - waa aayada 29 ee suurata 7 (suurat Al-acraaf)

Aayadaan hoos ku qoran waxay leedahay dadka ayagaa hanuunka dooran kara

"Ruuxii hanuuna wuxuu uun u hanuunay naftiisa kii dhumana wuxuu uun u dhumay naftiisa, mana xambaarto nafi dambi naf kale, mana cadaabno intaan uga soo dirro rasuul." - waa aayada 15 ee suurata 17 (suurat Al-israa)

Aayadaan kalena waxay leedahay ilaahey ayaa dadka hanuunka u doorta

"Cidduu Eebe hanuuniyo umbaa hanuunsan, cidduu dhumiyana uma helaysid ugargaare Eebe ka soo haray, waxaana ku soo kulminaynaa qiyaamada wajigooda iyagoo indho'la oo hadal la', hooygooduna waa jahannamo, markastooy dantana waxaan u siyaadinaa shidid(hurin)" - waa aayada 97 ee suurata 17 (suurat Al-israa)


Waxaa yaab ah in maxamad uu noo sheego in ilaahay uu dadka gaaleeyo ka dibna cadaabo. ilaahaas ma ilaah naxariis dhameystiran leh miyaa la dhihi karaa maadaama uu dadka intuu gaaleeyo kadibna cadaabayo? Maxamad ma wuxuu noo maleenay in aan cali laheyn oo wax walbo uu naga dhaadhicin karo? Maxamd mar wuxuu leeyahay dadka ayaaga gaalnimada doortay, marna wuxuu leeyahay dadka shaydaan ayaa gaaleysiiyay marna wuxuu leeyahay ilaahey ayaa dadka gaaleeysiiyay oo u doortay in ay gaalo noqdaan. Maxamad ma nagu ciyaarayaa mase wuxuu filayaa in aan rumeyno kala hadalkiisa?

Sidee qof ilaahey gaal ka dhigay loo soo muslimiyaa? ma ilaahey awoodiisaad ka weyn tahay?
ilaahey muxuu noogu dirayaa in aan dadka soo muslimino intuu asaga gaalo markii hore ka dhigay? ilaahey bini aadanka intuu abuurto oo uu qaarkood gaal ka dhigo ayuu hadana cadaabayaa, ilaahaas ma ilaah cadaalad ah baa? ilaahey dadka intuu kala qeybiyay oo uu kuwo ka dhigay muslim kuwo kalena gaalo ka dhigay ayuu dhexdooda isku diray, ilaahaas ma ilaah cadaalad ah baa? ilaaha masaakiinta intuu abuuro kadibna gaaleeyo kadibna cadaabaya ma ilaah fiican baa oo xaq ah oo naxariiste ah?

ilaaha maxamad noosheegay maahan ilaaha runta ah ee waa ilaah maxamad dadka ku baqsado siday u raacaan maxamad. maxamad wuxuu rabaa in uu dadka baqdin galiyo sidey asaga u raacaan oo ugu maleeyaan in uu yahay waakiilka ilaahey. ilaaha runta ah uma baahna wakiil rasuul la dhaho ee waa ilaah awood badan. maxamad been ayuu naga dhaadhicinayaa sababtoo ah aayadahiisa ayaa isburinaya oo kala hadlaya.

Diinta muslimka gaalada ma soo gali karaan? Maya

Aayadaan waxay leedahay ilaahey gaalada ma hanuuniyo

"Kuwaan rumayn Aayaadka Eebe ma hanuuniyo Eebe waxayna mudan cadaab daran" - Waa aayada 104 ee suurada 16 (suurat An-naxl)


Marka su'aashu waxay tahay sidee ayuu qof ku soo muslimi karaa sababtoo ah aayadaan ayaa waxay leedahay ilaahey gaalada ma hanuuniyo? Bini aadanka ma waxay suubin karaan wax aan ilaahey u ogalayn? Aayadaan waxay ku tuseysaa in quraanka uu qoray maxamad sababtoo ah waxay ka soo horjeedaa fikrada islaamka oo ah in dadka lasoo muslimiyo. Kala hadalka quraanka ayey ku tuseysaa. Hadii ay dhahaan ilaahey wuxuu hanuuniyaa ciduu doono, taas waxay ka soo hor jeedsaneysaa aayada kor ku qoran oo dhaheysa ilaahey ma hanuuniyo gaalada. Meeshas kala hadal ayaa ka imaanaya.

Maxamad mar wuxuu leeyahay waxaa la ii soo diray in aad dadka muslimiyo, marna wuxuu leeyahay ilaahey ma hanuuniyo gaalada. Marka ilaahey hadii uusan rabin in uu gaalada soo hanuunin sidee dadkii gaalada ahaa ku soo muslimeen? War wuxu caqli xumaa.

ilaahey ma hanuuniyaa dadka islaamka ka baxa?

Aayadaan hoos ku qoran waxay leedahay ilaahey ma hanuuniyo kuwa islaamka ka baxay.

"Sidee u hanuunin Eebe qoom gaaloobay rumayn ka dib, oo qiray in rasuulku xaq yahay una yimaadeen xujooyin, Eebe ma hanuuniyo qoom daalimiin ah." - Waa aayada 86 ee suurada 3 (suurat Aali-Cimraan)


Aayadaan hoos ku qoran waxay leedahay waa la hanuuniyaa.

"Ha curur daaranina waad gaalowdeen rumayn ka dib, haddaan cafino koox inka mid ah waxaan cadaabeynaa koox illeen iyagu waa dambiilayaale." - Waa aayada 66 ee suurada 9 (suurat At-Tawbah)

Waxaa yaab ah in uu maxamad mar leeyahay qofkii gaal noqda ilaahey ma cafiyo marna leeyahay ilaahey wuu cafiyaa. Kalal hadalkaas waa mid aan caqliga galeeyn.

Sunday, April 25, 2010

Meeqo maalmood ayaa lagu haligay qoomkii Caad la dhihi jiray?


Quraanka wuxuu isku dhex khilaafayaa haligaadii qoomkii Caad ama dadkii Caad la dhihi jiray.

Labadaan aayadood ee hoos ku qoran waxay leehiyiin dadkii Caad la dhihi jiray waxaa lagu dirray dabayl qabow toddobo habeen iyo sideed maalmood oo israacsan.

"Caadna waxaa lagu halligay dabayl daran oo qabow." - waa aayada 6 ee suurada 69 (suurat Al-xaaqqah)

"oo lagu diray korkooda toddoba habeen iyo sideed maalmood oo israacsan, waxaadna arkaysaa iyagoo daadsan ood mooddo jirrid timir(dogob dhacay)."
- waa aayada 7 ee suurada 69 (suurat Al-xaaqqah)

Sadexdaan aayadood ee hoos ku qoran waxay leeyihiin dadkii Caad la dhihi jiray waxaa korkooda lagu diray dabayl qabow daran maalin dhexdeed.

"Caadna way beenisay (xaqii), seese noqotay caddibaaddii Eebe iyo u digiddiisii."
- waa aayada 18 ee suurada 54 (suurat Al-qamar)

"Waxaan ku dirray korkooda dabayl qabaw daran maalin baasaysan dhexdeed oo joogta ah."
- waa aayada 18 ee suurada 54 (suurat Al-qamar)

"oo dadka siibaysa sida timir gunteedii la rujiyay."
- waa aayada 18 ee suurada 54 (suurat Al-qamar)

Bal u fiirso is khilaafka ka dhex jira ayadahaan. Mid waxay leedahay waxaa Caad lagu diray dabayl qabow maalin dhexdeed oo joogta ah. Mida kalena waxay leedahay Caad waxaa lagu diray dabayl qabow toddoba habeen iyo sideed maalmood oo is raacsan. Haduu quraanka ilaahay hadalkiisa yahay ilaahay kala ma hadli lahayn ee waxaa qoray maxamad oo bini aadan ah. Taas waxay ku tuseysaa in quraanka uusan ahayn erayada ilaahey ee uu yahay erayada maxamad. Ilaahey hadalkiisa isma buriyo ee waxaa is buriya hadalka bini aadanka.

Saturday, April 24, 2010

ilaahey wax ma dulmiyaa mase waa mid aanan wax dulmin?

Aayadaan hoos ku qoran waxay leedahay ilaahey ayaa cidduu doono yuu dulmiyaa, ruuxuu doono wuu hanuuniyaa.

"Ruuxe loo qurxiyay camalkiisa xun oo u arkay inuu fiicanyahay (ma lamid baa kaan saas falin), Eebe cidduu doono yuu dhumiyaa ruuxuu doonana wuu hanuuniyaa ee yeyna naftaadu ku tagin walbahaarkooda, Eebe waa ogyahay waxay samayne." - Waa aayada 8 ee suurada 35 (suurat Faadhir)

Aayadaan kale ee hoos ku qoran waxay leedahay dadka ilaahey ma dulmiyo ee ayagaa naftooda dulmiyay.

"Miyeyna ku soconin dhulka oy eegan siday ahaatay cidhibtii kuwii ka horeeyay (gaaladii Makaad) waxay ahaayeen kuwo ka daran iyaga kana xoog badan, dhulkana waybeerteen wayna dhiseen dhulka intay dhiseen wax ka badan. waxayna ula timid rasuuladoodii xujooyin, Eebana ma aha mid wax dulmiya, laakiin iyagaa naftooda dulmiyay. - Waa aayada 9 ee suurada 30 (suurat Ar-Ruum)


"Ruuxii camalfiican fala wuxuu u falay naftiisa, Ruuxii xumaan fala wuxuu dhibay naftiisa, Eebaheenna ma aha dulmiyaha Addoomada." - Waa aayada 46 ee suurada 41 (suurat Fussilat)

Bal u fiirso iska soo horjeedka ku dhex jira aayadahaan. Mid waxay leedahay ilaahey cidduu doono ayuu dhulmiyaa, mida kalena waxay leedahay ilaahey maaha mid wax dulmiya. Halkaan waxaa ku cad in uu quraanka uusan ahayn erayada ilaahey ee uu yahay hadalka maxamad. Haduu quraanka ahaan lahaa hadalka ilaahay, kala hadalk kuma jiri lahayn quraanka.

Qofkii caqli leh wuu garan karaa in caruurta ayan xataa sidaa u hadlin. Tusaale ahaan waa aniga oo dhahay "hoodahay waxay dulmisaa cidii ay doonto" cabaar kadibna dhahay "hooyadeey maaha mid wax dulmisa" kala hadalka noocaas ah wuxuu tusayaa qof walba oo caqli leh in quraanka uu yahay erayada maxamad ee uusan ahayn erayada ilaahay.

Dadka ma xor bay u yihiin in ay ilaah rumeeyaan mise ilaah baa u doorta?


Aayadaan hoos ku qoran waxay leedahay dadka ma doortaan inay rumeeyaan ilaah ee ilaahey ayaa u doora.

"Nafuna ma rumeyso idanka Eebe ka dib mooyee, wuxuuna Eebe yeelaa xumaanta kuwaan wax kasayn korkooda." - Waa aayadada 100 ee suurada 10 (suurat Yuunus)


Aayadaan kale ee hoos ku qoran waxay leedahay dadka ayagaa doortay in ay ilaah rumeyn ama khasaariyey naftooda.

"Waxaad dhahdaa yaa leh waxa ku sugan samooyinka iyo dhulka, dheh Eebe, wuxuuna isasaaray naxariis, wuxuuna idin kulmin maalinta qiyaame shakina ma leh kuwa khasaariyey naftoodase ma rumaynayaan." - Waa aayada 12 ee suurada 6 (suurat Al-Ancaam)

Bal u fiiro u fiirso kala hadalka labadaan aayadood. Aayada hoose waxay leedahay kuwa khasaariyey naftoodase ma rumaynayaan. Aayada kalenna waxay leedahay
Nafuna ma rumeyso idanka Eebe ka dib mooyee. Marka su'aashu waxay tahay sidee ayuu qofka u khasaariyay naftiisa maadaama uu ilaahay u doortay inuu khasaaro ama uusan rumeyn ilaah? Kala hadalkaan waxay ku tuseysaa in quraanka uu yahay erayada maxamad ee uusan ahayn erayada ilaahey sababtoo ah ilaahey kalama hadlo.

Yaa dadka dhumiya ilaah mise sheydaan? kala hadalkaan u fiirso

Aayadaan hoos ku qoran waxay leedahay sheydaanka ayaa dadka dhumiya.

"dhab ahaan wuxuu udhumiyay (shaydaan) xaggiina dad badan miyaydan wax kasaynin." - Waa aayada 62 ee suurada 36 (Suurat Yaasiin)

Aayadaana hoos ku qoran waxay leedahay Ilaah baa dadka dhumiya.

"Hadduu doono Eebe wuxuu idinka yeeli lahaa umad kaliya wuxuuse dhumiyaa cidduu doono, wuuna hanuuniyaa cidduu doono, waana laydin warsan waxaad camal falayseen." - Waa aayada 93 ee suurada 16 (suurat An-Naxl)


Labadaan aayadood ee kor ku qoran way kala hadlayaan ama is burinayaan, mid waxay leedahay ilaahey ayaa dadka dhumiya, mida kalena waxay leedahay shaydaan ayaa dadka dhumiya. taasna waxay ku tuseysaa in quraanka uu qoray bini aadan ee maxamad ah oo uu san ahayn hadalka ilaahey sababtoo ah quraanka haduu ilaahay hadalkiisa ahaan lahaa kala hadal ama is burin kuma dhex jiri lahayn. ilaahey ma caqli yara sida bini aadanka oo ma dhaho cidaan doono ayaan dhumiyaa kadibna dhaho waa laydin warsan waxaad camal falayseen.



----------------------------------------------------------------------------------------------
Hiiraan, Somalia - nin soomaali ah oo gacan iyo lug laga jarayo