Monday, April 26, 2010

gaalada yaa gaal ka dhigay? ilaaha maxamad ayaa ka dhigay

Quraanka wuxuu leeyahay ilaahey ayaa dadka gaaleysiiya oo u doorta in ay gaalo noqdaan. Kitaabkaaga lasoo bax oo aayadahaan hoos ku qoran ka fiiri.

"Cidduu Eebe hanuuniyo wuxuu u waasiciyaa laabtiisa islaamka, cidduu doono inuu dhumiyana wuxuu ka yeelaa laabtiisa cidhiidi (dhib) ah sidii isagoo kori samada saasuuna u yeelay Eebe xumaanta korka kuwaan rumaynin xaqa" - waa aayada 125 ee suurata 6 (suurat Al-ancaam)

"Ciddii Eebe hanuuniya umbaa hanuuni, cidduu dhumiyana waa uun kuwa khasaaray." - waa aayada 178 ee suurata 7 (suurat Al-acraaf)

"Cidduu dhumiyo Eebe wax hanuunin ma leh. wuxuuna kaga tegi xad gudubkooda iyagoo ku wareersan." - waa aayada 186 ee suurata 7 (suurat Al-acraaf)

"Hadduu doono Eebe wuxuu idinka yeeli lahaa umad kaliya wuxuuse dhumiyaa cidduu doono, wuuna hanuuniyaa cidduu doono, waana laydin warsan waxaad camal falayseen." - waa aayada 93 ee suurata 16 (suurat An-naxal)

"Hadaad ku dadaashid hanuunkooda Eebe ma hanuuniyo cidduu dhumiyay mana helaan gargaare." - waa aayayada 37 ee suurata 16 (suurat An-naxl)

"Hadduu doono Eebe wuxuu ka yeeli lahaa dadka umad kaliya, laakiin wuxuu galiyaa cidduu doono naxariistiisa, daalimiintuna ma helaan sokeeye iyo gargaare midna." - Waa aayada 8 ee suurada 42 (suurat Ash-shuuraa)

Labadaan aayadood hoos ku qoran waxay leeyihiin ilaahey dadka ma faro xumaan

"Markay falaan xumaanna waxay dhahaan waxaan ka hellay aabayaalkeena Eebaana na faray iyada, waxaad dhahdaa Eebe ma faro xumaan ma waxaad ku dhahaysaan Eebe waxaydaan ogayn?" - waa aayada 28 ee suurada 7 (suurat Al-acraaf)

"Waxaad dhahdaa wuxuu faraa Eebe cadaaladda iyo inaad u jeedisaan wajigiina (xagiisa) masaajidkasta agtiisa, baryana idinkoo u kaliyeeli diinta siduu inku bilaabay yaad ku soo noqonaysaan." - waa aayada 29 ee suurata 7 (suurat Al-acraaf)

Aayadaan hoos ku qoran waxay leedahay dadka ayagaa hanuunka dooran kara

"Ruuxii hanuuna wuxuu uun u hanuunay naftiisa kii dhumana wuxuu uun u dhumay naftiisa, mana xambaarto nafi dambi naf kale, mana cadaabno intaan uga soo dirro rasuul." - waa aayada 15 ee suurata 17 (suurat Al-israa)

Aayadaan kalena waxay leedahay ilaahey ayaa dadka hanuunka u doorta

"Cidduu Eebe hanuuniyo umbaa hanuunsan, cidduu dhumiyana uma helaysid ugargaare Eebe ka soo haray, waxaana ku soo kulminaynaa qiyaamada wajigooda iyagoo indho'la oo hadal la', hooygooduna waa jahannamo, markastooy dantana waxaan u siyaadinaa shidid(hurin)" - waa aayada 97 ee suurata 17 (suurat Al-israa)


Waxaa yaab ah in maxamad uu noo sheego in ilaahay uu dadka gaaleeyo ka dibna cadaabo. ilaahaas ma ilaah naxariis dhameystiran leh miyaa la dhihi karaa maadaama uu dadka intuu gaaleeyo kadibna cadaabayo? Maxamad ma wuxuu noo maleenay in aan cali laheyn oo wax walbo uu naga dhaadhicin karo? Maxamd mar wuxuu leeyahay dadka ayaaga gaalnimada doortay, marna wuxuu leeyahay dadka shaydaan ayaa gaaleysiiyay marna wuxuu leeyahay ilaahey ayaa dadka gaaleeysiiyay oo u doortay in ay gaalo noqdaan. Maxamad ma nagu ciyaarayaa mase wuxuu filayaa in aan rumeyno kala hadalkiisa?

Sidee qof ilaahey gaal ka dhigay loo soo muslimiyaa? ma ilaahey awoodiisaad ka weyn tahay?
ilaahey muxuu noogu dirayaa in aan dadka soo muslimino intuu asaga gaalo markii hore ka dhigay? ilaahey bini aadanka intuu abuurto oo uu qaarkood gaal ka dhigo ayuu hadana cadaabayaa, ilaahaas ma ilaah cadaalad ah baa? ilaahey dadka intuu kala qeybiyay oo uu kuwo ka dhigay muslim kuwo kalena gaalo ka dhigay ayuu dhexdooda isku diray, ilaahaas ma ilaah cadaalad ah baa? ilaaha masaakiinta intuu abuuro kadibna gaaleeyo kadibna cadaabaya ma ilaah fiican baa oo xaq ah oo naxariiste ah?

ilaaha maxamad noosheegay maahan ilaaha runta ah ee waa ilaah maxamad dadka ku baqsado siday u raacaan maxamad. maxamad wuxuu rabaa in uu dadka baqdin galiyo sidey asaga u raacaan oo ugu maleeyaan in uu yahay waakiilka ilaahey. ilaaha runta ah uma baahna wakiil rasuul la dhaho ee waa ilaah awood badan. maxamad been ayuu naga dhaadhicinayaa sababtoo ah aayadahiisa ayaa isburinaya oo kala hadlaya.

Diinta muslimka gaalada ma soo gali karaan? Maya

Aayadaan waxay leedahay ilaahey gaalada ma hanuuniyo

"Kuwaan rumayn Aayaadka Eebe ma hanuuniyo Eebe waxayna mudan cadaab daran" - Waa aayada 104 ee suurada 16 (suurat An-naxl)


Marka su'aashu waxay tahay sidee ayuu qof ku soo muslimi karaa sababtoo ah aayadaan ayaa waxay leedahay ilaahey gaalada ma hanuuniyo? Bini aadanka ma waxay suubin karaan wax aan ilaahey u ogalayn? Aayadaan waxay ku tuseysaa in quraanka uu qoray maxamad sababtoo ah waxay ka soo horjeedaa fikrada islaamka oo ah in dadka lasoo muslimiyo. Kala hadalka quraanka ayey ku tuseysaa. Hadii ay dhahaan ilaahey wuxuu hanuuniyaa ciduu doono, taas waxay ka soo hor jeedsaneysaa aayada kor ku qoran oo dhaheysa ilaahey ma hanuuniyo gaalada. Meeshas kala hadal ayaa ka imaanaya.

Maxamad mar wuxuu leeyahay waxaa la ii soo diray in aad dadka muslimiyo, marna wuxuu leeyahay ilaahey ma hanuuniyo gaalada. Marka ilaahey hadii uusan rabin in uu gaalada soo hanuunin sidee dadkii gaalada ahaa ku soo muslimeen? War wuxu caqli xumaa.

ilaahey ma hanuuniyaa dadka islaamka ka baxa?

Aayadaan hoos ku qoran waxay leedahay ilaahey ma hanuuniyo kuwa islaamka ka baxay.

"Sidee u hanuunin Eebe qoom gaaloobay rumayn ka dib, oo qiray in rasuulku xaq yahay una yimaadeen xujooyin, Eebe ma hanuuniyo qoom daalimiin ah." - Waa aayada 86 ee suurada 3 (suurat Aali-Cimraan)


Aayadaan hoos ku qoran waxay leedahay waa la hanuuniyaa.

"Ha curur daaranina waad gaalowdeen rumayn ka dib, haddaan cafino koox inka mid ah waxaan cadaabeynaa koox illeen iyagu waa dambiilayaale." - Waa aayada 66 ee suurada 9 (suurat At-Tawbah)

Waxaa yaab ah in uu maxamad mar leeyahay qofkii gaal noqda ilaahey ma cafiyo marna leeyahay ilaahey wuu cafiyaa. Kalal hadalkaas waa mid aan caqliga galeeyn.

Sunday, April 25, 2010

Meeqo maalmood ayaa lagu haligay qoomkii Caad la dhihi jiray?


Quraanka wuxuu isku dhex khilaafayaa haligaadii qoomkii Caad ama dadkii Caad la dhihi jiray.

Labadaan aayadood ee hoos ku qoran waxay leehiyiin dadkii Caad la dhihi jiray waxaa lagu dirray dabayl qabow toddobo habeen iyo sideed maalmood oo israacsan.

"Caadna waxaa lagu halligay dabayl daran oo qabow." - waa aayada 6 ee suurada 69 (suurat Al-xaaqqah)

"oo lagu diray korkooda toddoba habeen iyo sideed maalmood oo israacsan, waxaadna arkaysaa iyagoo daadsan ood mooddo jirrid timir(dogob dhacay)."
- waa aayada 7 ee suurada 69 (suurat Al-xaaqqah)

Sadexdaan aayadood ee hoos ku qoran waxay leeyihiin dadkii Caad la dhihi jiray waxaa korkooda lagu diray dabayl qabow daran maalin dhexdeed.

"Caadna way beenisay (xaqii), seese noqotay caddibaaddii Eebe iyo u digiddiisii."
- waa aayada 18 ee suurada 54 (suurat Al-qamar)

"Waxaan ku dirray korkooda dabayl qabaw daran maalin baasaysan dhexdeed oo joogta ah."
- waa aayada 18 ee suurada 54 (suurat Al-qamar)

"oo dadka siibaysa sida timir gunteedii la rujiyay."
- waa aayada 18 ee suurada 54 (suurat Al-qamar)

Bal u fiirso is khilaafka ka dhex jira ayadahaan. Mid waxay leedahay waxaa Caad lagu diray dabayl qabow maalin dhexdeed oo joogta ah. Mida kalena waxay leedahay Caad waxaa lagu diray dabayl qabow toddoba habeen iyo sideed maalmood oo is raacsan. Haduu quraanka ilaahay hadalkiisa yahay ilaahay kala ma hadli lahayn ee waxaa qoray maxamad oo bini aadan ah. Taas waxay ku tuseysaa in quraanka uusan ahayn erayada ilaahey ee uu yahay erayada maxamad. Ilaahey hadalkiisa isma buriyo ee waxaa is buriya hadalka bini aadanka.

Saturday, April 24, 2010

ilaahey wax ma dulmiyaa mase waa mid aanan wax dulmin?

Aayadaan hoos ku qoran waxay leedahay ilaahey ayaa cidduu doono yuu dulmiyaa, ruuxuu doono wuu hanuuniyaa.

"Ruuxe loo qurxiyay camalkiisa xun oo u arkay inuu fiicanyahay (ma lamid baa kaan saas falin), Eebe cidduu doono yuu dhumiyaa ruuxuu doonana wuu hanuuniyaa ee yeyna naftaadu ku tagin walbahaarkooda, Eebe waa ogyahay waxay samayne." - Waa aayada 8 ee suurada 35 (suurat Faadhir)

Aayadaan kale ee hoos ku qoran waxay leedahay dadka ilaahey ma dulmiyo ee ayagaa naftooda dulmiyay.

"Miyeyna ku soconin dhulka oy eegan siday ahaatay cidhibtii kuwii ka horeeyay (gaaladii Makaad) waxay ahaayeen kuwo ka daran iyaga kana xoog badan, dhulkana waybeerteen wayna dhiseen dhulka intay dhiseen wax ka badan. waxayna ula timid rasuuladoodii xujooyin, Eebana ma aha mid wax dulmiya, laakiin iyagaa naftooda dulmiyay. - Waa aayada 9 ee suurada 30 (suurat Ar-Ruum)


"Ruuxii camalfiican fala wuxuu u falay naftiisa, Ruuxii xumaan fala wuxuu dhibay naftiisa, Eebaheenna ma aha dulmiyaha Addoomada." - Waa aayada 46 ee suurada 41 (suurat Fussilat)

Bal u fiirso iska soo horjeedka ku dhex jira aayadahaan. Mid waxay leedahay ilaahey cidduu doono ayuu dhulmiyaa, mida kalena waxay leedahay ilaahey maaha mid wax dulmiya. Halkaan waxaa ku cad in uu quraanka uusan ahayn erayada ilaahey ee uu yahay hadalka maxamad. Haduu quraanka ahaan lahaa hadalka ilaahay, kala hadalk kuma jiri lahayn quraanka.

Qofkii caqli leh wuu garan karaa in caruurta ayan xataa sidaa u hadlin. Tusaale ahaan waa aniga oo dhahay "hoodahay waxay dulmisaa cidii ay doonto" cabaar kadibna dhahay "hooyadeey maaha mid wax dulmisa" kala hadalka noocaas ah wuxuu tusayaa qof walba oo caqli leh in quraanka uu yahay erayada maxamad ee uusan ahayn erayada ilaahay.

Dadka ma xor bay u yihiin in ay ilaah rumeeyaan mise ilaah baa u doorta?


Aayadaan hoos ku qoran waxay leedahay dadka ma doortaan inay rumeeyaan ilaah ee ilaahey ayaa u doora.

"Nafuna ma rumeyso idanka Eebe ka dib mooyee, wuxuuna Eebe yeelaa xumaanta kuwaan wax kasayn korkooda." - Waa aayadada 100 ee suurada 10 (suurat Yuunus)


Aayadaan kale ee hoos ku qoran waxay leedahay dadka ayagaa doortay in ay ilaah rumeyn ama khasaariyey naftooda.

"Waxaad dhahdaa yaa leh waxa ku sugan samooyinka iyo dhulka, dheh Eebe, wuxuuna isasaaray naxariis, wuxuuna idin kulmin maalinta qiyaame shakina ma leh kuwa khasaariyey naftoodase ma rumaynayaan." - Waa aayada 12 ee suurada 6 (suurat Al-Ancaam)

Bal u fiiro u fiirso kala hadalka labadaan aayadood. Aayada hoose waxay leedahay kuwa khasaariyey naftoodase ma rumaynayaan. Aayada kalenna waxay leedahay
Nafuna ma rumeyso idanka Eebe ka dib mooyee. Marka su'aashu waxay tahay sidee ayuu qofka u khasaariyay naftiisa maadaama uu ilaahay u doortay inuu khasaaro ama uusan rumeyn ilaah? Kala hadalkaan waxay ku tuseysaa in quraanka uu yahay erayada maxamad ee uusan ahayn erayada ilaahey sababtoo ah ilaahey kalama hadlo.

Yaa dadka dhumiya ilaah mise sheydaan? kala hadalkaan u fiirso

Aayadaan hoos ku qoran waxay leedahay sheydaanka ayaa dadka dhumiya.

"dhab ahaan wuxuu udhumiyay (shaydaan) xaggiina dad badan miyaydan wax kasaynin." - Waa aayada 62 ee suurada 36 (Suurat Yaasiin)

Aayadaana hoos ku qoran waxay leedahay Ilaah baa dadka dhumiya.

"Hadduu doono Eebe wuxuu idinka yeeli lahaa umad kaliya wuxuuse dhumiyaa cidduu doono, wuuna hanuuniyaa cidduu doono, waana laydin warsan waxaad camal falayseen." - Waa aayada 93 ee suurada 16 (suurat An-Naxl)


Labadaan aayadood ee kor ku qoran way kala hadlayaan ama is burinayaan, mid waxay leedahay ilaahey ayaa dadka dhumiya, mida kalena waxay leedahay shaydaan ayaa dadka dhumiya. taasna waxay ku tuseysaa in quraanka uu qoray bini aadan ee maxamad ah oo uu san ahayn hadalka ilaahey sababtoo ah quraanka haduu ilaahay hadalkiisa ahaan lahaa kala hadal ama is burin kuma dhex jiri lahayn. ilaahey ma caqli yara sida bini aadanka oo ma dhaho cidaan doono ayaan dhumiyaa kadibna dhaho waa laydin warsan waxaad camal falayseen.



----------------------------------------------------------------------------------------------
Hiiraan, Somalia - nin soomaali ah oo gacan iyo lug laga jarayo